Hargaysa oo Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyay Taliyihii Qaybta Baanboyadda ee Ciidanka Booliska oo Xalay Geeriyooday Iyo Madaxweyne Siilaanyo oo Tacsi u Diray DAAWO
Hargaysa 15. August 2017 (SDN/QJ):-Madax iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Golayaasha Qaranka iyo Hogaanka Ciidanka booliska Somaliland ayaa Maanta ka qayb galay aas qaran oo hargaysa loogu sameeyay alle ha u naxariistee Cabdi Xuseen Xirsi Geel-jire oo ahaa taliyaha Qaybta Baanboyada ee Ciidanka Booliska.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Booliska Somaliland iyo dhamaan ciidamada qaranka ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee hoggaankii Ciidanka Baanboyda Somaliland Marxuum Dhamme Cabdi Xuseen Xirsi (Geel Jire) oo ku geeriyooday shalay oo ay taariikhdu ahayd 14/08/2017, magaalada hargeysa, iyadoo maantana lagu aasay xabaalaha naaso hablood.
Madaxweynuhu waxa uu si gaara tacsi taa la mida u dirayaa waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday hoggaankaasi, waxaanu madaxweynuhu ku sifeeyey marxuumka hoggaamiye ciidan oo ku dayasho mudan door muhiimana ka soo qaatay dhismaha qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Ciidanka qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka bu h siiyo.
Halkan Hoose Ka Daawo Aaska Marxuunka.