Hargaysa oo Lagu Qabtay Xuska Maalinta Itoobiya ee 20 Ginbood,Madaxweyne Xigeenka oo ka hadlay arimo ay Somaliland iyo Itoobiya Mataano ku yihiin DAAWO
Hargaysa: 29.May 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa ka qayb galay Munaasibada 24 Guurada ka soo wareegtay Markii Gadood dagaal lagu riday Xukunkii Dhergiga ahaa ee Mingiste Xayle Maryam ee dalka Itoobiya taas oo lagu qabtay Magaalada Hargaysa.
Kulan Xuseedkan Itoobiya Waxaa ka qayb galay Madax ka tirsan Golayaasha Qaranka,Jaaliyada Itoobiya ee ku Nool Somaliland iyo Marti sharaf kale.