|

Hargaysa oo Lagu Qabtay Xus la Xidhiidha Sannad Guuradii Labaad ee Ka Soo Wareegtay Markii Xukuumadu Albaabada u Xidhay Xaruntii Wargayska Haatuf iyo Nuxurka Khudbadihii laga Jeediyey DAAWO

Hargaysa 08.April 2016 (SDN/QJ):- Munaasibad lagu xusayey sanad-guuradii 2-aad ee kasoo wareegtay maalintii sida sharci-darada ay xukuumadda Siilaanyo albaabada ugu laabtay xaruntii guud ee Haatuf Media Network ayaa lagu qabtay hotelka Xaraf ee magaaladda Hargeysa.
Haatuf FreeMunaasibad oo ay kasoo qaybgaleen siyaasiyiin ka kala socday axsaabta mucaaridka, ururadda bulshadda sida kuwa ururada saxaafadda iyo xuquuqal-iinsaanka ee Somaliland ayaa waxa lagu gorfeeyey tacadiyada ka dhanka ah xoriyatul-qawlka ee ay xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ku dhaqantay mudadii taladda haysay, kuwaas oo dhamaantood qiray inaan loo dul-qaadan karin habdhaqanka xukuumadda xisbiga Kulmiye.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Madasha-wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka Mujaahid Xasan Guure oo si kulul u cambaareeyey tacadiyada ka dhanka ah xoriyaadka ee ay ku dhaqaaqday xukuumadda Siilaanyo,kaas oo tibaaxay ku dheeraaday xayiraaadii sharciga baalmarsanayd ee lagula kacay Haatuf.

Guddoomiyaha Haatuf Media Network Yuusuf Cabdi Gaboobe oo isaguna ka xog-waramay tacadiyada ku dhacay iyo sababaha xadhiga Haatuf, waxa uu yidhi “Haatuf Media Network waxa lagu xidhay waxa weeyi runtii aanu sheegnay, arinta ugu waynina waxay ahayd musuqmaasuq baahsan oo uu ku kacay wasiirka macdanta Xuseen Cabdi Ducaale oo gacan-saar dhaw la leh Baashe Cawil oo ah wiilka Madaxwayne Siilaanyo sodoga u yahay, kuwaas oo aaminsan inaan la sheegi karin oo bulshadda loo soo bandhikarin taasina waa mida ay Haatuf diiday, runtii waxaan qabaa dhamaan shaqsiyaadkaas ku takri-falay awoodii qaranka in mar uun cadaaladda la horkeeni doono”.

Mr Gaboobe isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waa sanad guuradii 35-aad ee kasoo wareegtay maalintii SNM lagu dhawaaqay oo waynu arkaynaa sida ay xukuumadda Siilaanyo u burburisay ee ay hoos ugu dhigayso meeqaamka ay maalmahaas mihiimada wayn ugu fadhiya qarankani inoo leeyihiin. Faadumo Siciid waxay goordhawayd sheegtay in wixii xiligii Siyaad Barre dalkan ka dhici jiray wax la mid ahi ay dalkeena ka dhacaan runtii waan ku raacsanahay oo waa runteed, oo wakhtigii halgankiiba aniga iyo dad badan oo ila fikir ahiba ma aaminsanin inuu u halgamayey mabaa’diidii iyo hadafkii dadkani lahaayeen ee wuu iska kaayo dhex joogjoogay wakhtigaasna. Shacbiga Somaliland iyo muwaadiniinta dalkani may mutaysan inay Axmed Siilaanyo iyo qoyskiisu ula dhaqmaan sidan ay ula dhaqmayaan”.

Haatuf Free2Yuusuf Cabdi Gaboobe isagoo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlay dulmiga iyo cadaalad-darada ku dhacay Haatuf waxa uu yidhi “Anaga hadaanu nahay Haatuf Media Network dulmi baa nagu dhacay oo cidii samaysay ee damnigaa naga gashayna waanu ognahay. Waxaan idiin sheegayaa anigu bari dhawayd oo aan London joogay dacwad baan furtay oo waxaan damacsanaa in marka ay Siilaanyo iyo qoyskiisu soo galaan London in la xidho, iyadoo sharci loo marayo oo aanu ku dacwaynayno dambiga wayne ee ay naga galeen isaga iyo qoyskiisu, run ahaantii way ila noqon wayday iyadoo ay wax waliba diyaar noo ahaayeen inaanu hadana magac-xumo dalkayga iyo dadkayga usoo jiido laakiin xaqiiqatan kama fursanayso arintaasi oo waxaan dacwadaa kaga xishooday inuu Siilaanyo yahay Madaxwaynaha Somaliland oo intaas baan ka xishooday”.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Musharaxa Madaxwaynaha UCID Jamaal Cali Xuseen, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “Hadalkii waa la dhameeyey laakiin waxaan jeclahay inaan laba kalmadood uun ku darsado maanta waa sanad-guuradii 2-aad ee kasoo wareegtay maalintii xukuumadu albaabada u laabtay wargeyskii madaxbanaanaa ee Haatuf. Aduunyada lama arkin meherad warbaahineed oo la iska xidho, marka xaqiiqada laga hadlayo meherad gaar loo leeyahay ma gasho dambi laakiin dad baa dambi gal, waxa waliba wax laga xumaado ah in labadii wargeys ee kale ee waxan Haatuf lagu xidhay aan lagu qorin ee Af-Ingiriisi iyo Af-Carabi kusoo kala baxayey ee The Somaliland Times iyo Al-Haatef Al-Carabi, kuwaas oo ahaa wargeysyo kale oo ka duwan Haatuf oo aan u arko in lagu xidhay Yuusuf Cabdi Gaboobe ayaa iska lehe kuwana raaciya oo xidha”.

Murashaxa Madaxwaynaha UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Saxaafadu waa rukunka 4-aad ee qaranku leeyahay, waxaanan shaqsiyan qabaa haddii ay saxaafadu isku hiiliso inaan sidan loola dhaqmeen oo dulmiga intaas leeg ee maanta ku dhacayaa aanu ku dhaceen, waxaan warbaahinta kula dardaarmayaa in diidaan dulmiga oo ay u dagaalamaan cadaaladda oo aanay ka aamusin dulmiga ay ku kacayso xukuumadda talada haysa ee aynu arkayno halkay ka gaadhay dulmi”.

Guddoomiyaha ku xigeenka 3-aad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo isaguna halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Habeen hore ayaa layla soo hadlay oo laygu yidhi SNM-tii baa la xusayaaye kaalay aniguna hawlahaa SNM-ta waan ka shakiyaa imikoo oo ma jiro nin aan ka qaadan karo oo igu odhan kara kasoo qaybgal xafladaha SNM lagaga hadlayo oo aan ahayn mujaahid Xasan Ciise, waayo waxaan u aqoonsanahay anigu Xasan Ciise inuu yahay hogaamiyaha ruuxiga ah ee SNM. Inuu Siilaanyo shan sano hogaamiye inuu u ahaa SNM waan ogolahay laakiin Xasan Ciise waxa uu ahaa aas-aasayaashii SNM, waxaanu ahaa guddoomiye ku xigeenkii ugu danbeeyey ee SNM ee Madaxwayne ku xigeenkana ahaa oo Alle ha u naxriistee maadaama oo uu Cabdiraxmaan Axmed Cali dhintay maanta inta nool Xasan Ciise ayaa ugu sareeya SNM”.

La Taliyaha arrimaha dibadda ee Guddoomiyaha xisbiga Waddani Marwo Faadumo Siciid oo iyaduna halkaasi ka hadlashay ayaa aad ugu dheeraatay cadaalad-darada iyo baaxadda dulmiga dalka ka taagan wakhtigan, waxaana hadalkeeda ka mid ahaa “Anigu munaasibad uma arko xaflad ee waa baroordiiq oo waxaynu u baroordiiqaynaa oo aynu dareenkeena ku muujinaynaa xadhiga cadaalad-darada ah ee ku dhacay wargeyska Haatuf. Anigu lama yaabo oo dawladdan waxaan u aqaanaa dawlad ku caan-baxday cadaalad-darada iyo xigtaysiga oo xaqdarada shahaado ayey ku bixisaa xaqa-na way aastaa”.

Intaas ka dib waxa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Runtii xadhiga Haatuf waxaanu u aragnaa inay xukuumadu garab-martay xeerkii saxaafadda Somaliland laakiin waa wax laga xumaado in hay’ad warbaahineed aayar la iska xidho oo ururka SOLJA halkaas ayuu ka taagan yahay kana taagnaan doonaa waligii , waxaanu xukuumadda talada haysa ugu baaqaynaa in xayiraada laga qaado Haatuf. Sidoo kale waxa jira dacwado ka dhan ah saddex wargeys oo ay dawladu ku doodayso inaanay ka shaqaynin dadkii lahaa, markaa waxaanu xukuumadda ugu baaqaynaa in Haatuf iyo wargeysyadaa kaleba in xoriyadoodii loo soo celiyo oo xayiraada laga qaado”.

Dhinaca kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xarunta xuquuqal Iinsaanka Somaliland Guuleed Axmed Jaamac, Tafatiraha Haatuf Axmed Cali Cige, Mujaahid Oto Biixi Caalim, Siyaasi Axmed Kalash, Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray, kuwaas oo dhamaantood xukuumadda ku cambaareeyey talaabadii ay ku xayirtay Haatuf Media Network, isla markaana waxay sheegeen inay wax wayn u dhintay sumcada qaranka Somaliland.

Comments are closed