Hargaysa oo lagu qabtay Shir hawleed ku saabsan Sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada
Hargaysa 26.Nov 2013 (SDN)- Kulan lagu gorfaynayay sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhalinayarada ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaarada qorshaynta iyo horumarinta qaranka.
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hayada ILO waxa kasoo qeyb galay ururada bulshada , waiiro , agaasmiyaal guud iyadoo halkaasi lagu soo bandhigay qiimayn lagu sameeyay heerka shaqo la aanta dhalinayarada somaliland iyo sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa iyadoo laga duulayo xirfadaha shaqooyinka dalka laga hirgalin karo,
Wasiirka wasaaarda qorsahynta qaranka mudane sacad cali shire oo halkaasi kala hadlay xubnihii ka qeyb galay ayaa soo jeediyay qodobo kala duwan kuwaasoo si faah faahsan madasha loogu falanqeeyay islamrkaa nuxurkoodu ahaa sidii shaqo abuur dalka looga samayn lahaa , waxaanu wasiirku dhalinayarada iyo xubnihii ka qeyb galay kulankaasi ku booriyay in dalka hooyo la aamino ,iyadoo la raacayo siyaasada shaqo abuurida dhalinayarada ee xukuumada maadaama dalka laga heli karo fursad badan oo dhalinayada shaqo loogu abuuri karo.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com