|

Hargaysa oo lagaga dhawaaqay Xarunta Cilmi baadhista iyo Odoroska Siyaasada ee Tallo Ruug

Hargeysa 30.March 2015 (SDN/QJ) Xarun la magac baxday TALO-RUUG THINK TANK (Center for Public Policy and Strategic Initiatives) oo noqon doonta tii ugu horraysay nooceeda oo kale ayaa lagu daah-furay Huteel Maansoor ee Caasimadda Somaliland ee Hargeysa xaruntaasi oo ka shaqayn doonta arrimo badan oo al xidhiidha dhinacyada kobcinta iyo daraasaadka Arrimaha Nolosha.

Xafladda Daa-furka Madasha Talo-ruug waxa ka soo qayb galay Aqoonyahano badan oo reer Somaliland ah, Ardayda Jaamacadaha dhigata, Qoraayo, Abwaano iyo marti-sharaf kale oo aad u badan.

 

sxbUgu Horrayn Xafladda TALO-RUUG ee daraasaadka iyo Kobcinta waxa hadalo ka soo jeediyey aasaasaha Xarunta Md. Cabdifataax Cabdilaahi Jaamac (Chief-ka) oo ku dheeraaday ujeedada laga leeyahay Xaruntan oo noqonaysa mid nooceedu ku cusub yahay Somaliland balse dunida in badan oo ka mid ah ka jirta ahna goobaha Bulshadu isku dhaafsadaan aqoonta, Cilmibaadhisaha iyo odoroska siyaasadeed ee la xidhiidha horumarka dhammaan laamaha kala duwan ee Nolosha. Isaga oo xafladda daah-furka Madashan ka soo jeediyey faahfaahin la xidhiidha qaabka ay xaruntani u shaqayn doonto, qoshahaayeeshada, himiladeeda iyo guud ahaan yoolka ay higsanayso iyo muhiimadda uu u leeyahay Horumarinta iyo ictiraaf raadinta Somaliland haddii ay noqoto siyaasadda Arrimaha dibadda, Gidaha, dawlad-wanaaga iyo hannaanka dawladnimo ee Somaliland in lala wadaago dalalka aynu deriska nahay iyo dundia inteeda kaleba iyada oo madashani noqon doonto mid keydisa cilmibaadhiso laga sameeyey nidaamkii nabadeynta iyo dhismaha dawladnimo ee ay Guurtidu horseedka u ahayd taasi oo ah hantida aan dheernahay dhammaan shcuubta adduunka.

 

Cabdifataax Cabdilaahi Jaamac (Chief-ka) oo sharraxay ujeedada aasaaska Xaruntan iyo waxa ay qaban doontaa waxa uu yidhi: “Talo-Ruug Think Tank: Waa Xarun cusub oo ka oo ka shaqayn doonta Cilmi-baadhis, dooddo iyo talo-siin. Waa fagaarre markii ugu horreysay laga hirgeliyay Somaliland oo la is ku dhaafsan doonno talooyin iyo fikraddo wax ku ool ah oo la xidhiidha arrimaha dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda, tiknoolajiyadda iyo guud ahaan horumarinta arrimaha bulshadda” ayuu yidhi Cabdifataax Cabdilaahi Jaamac (Chief-ka) isaga oo intaasi ku daray: ““Waxa ay noqon doontaa xarun la tallaabsata hannaanka ay u shaqeeyaan gole-doodeedyada la mid ahi iyada oo maanta dunidu goobaha ay wax kala soo baxaan ama siyaasadaha laga hagaa tahay goobaha noocan oo kale ah oo ay daadihin doonaan Profesooro iyo mutacalimiin cilmibaadhayala ahi” ayuu yidhi Cabdifataax Cabdilaahi Jaamac (Chief-ka) oo ka hadlayay xafladdii daah-furka Xarunta TALO-RUUG.

Warqaddii u horreysa waxa halkaas ka soo jeediyay Prof. Maxamuud Sh. Axmed Cabdi oo ka socday kuliyada xalinta khilaafaadka iyo dhismaha nabadda ee jaamacadda Hargeysa, kaas oo ku saabsanaa, dhismaha nidaamka dawladnimoee tolmoon iyo maamul wanaagga. Waxa kale oo halkaas ka hadlay madaxweyne xigeenkii horre ee Jamhuuriyadda Somaliland ahna guddoomiyaha akaademiga nabadda iyo horumarka ee Somaliland Md. Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle Iyo Aqoonyahanno Ay Ka Mid Yihiin Jaamac Muuse Jaamac, Prof. Xujaale Iyo Maxamed Cabdi Daa’uud iyo Marwo Amran Cali Xiis oo ka socday bulshada rayidka ah.

 

Comments are closed