Hargaysa oo Laga Hirgalinayo Dugsiga Tababarka Macallimiinta iyo Weedhihii Wasiirada DAAWO
Hargaysa 01.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wasiirada Waxbarashada,Maaliyada,Wasiir ku Xigeenka Waxbarashada iyo Maayarka Magaalada Hargaysa ayaa si wada Jir ah uga qayb galay Madal loo sameeyay dhagax dhiga dugsiga Tababarada Macallimiinta ee Hargaysa.
khudbado ku ladhnaa munaasibaddii dhagax dhiga dhismaha dugsiga tabobarka macalimiinta ee hargeysa, khudbadahaas oo ay jeediyeen Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta Sare Cabdillaahi Ibraahim Habanne (Cabdillaahi-dheere), Wasiirka Maalliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Md. Yuusuf Cismaan Garas iyo Masuuliyiin uu kamid yahay Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco).