|

Hargaysa oo ka Furmay Kulan lagaga arrinsanayo Siyaabaha loo Wajahayo Xaaladaha deg dega ah ee Xoolaha ku Yimaada

Hargaysa 09.Sep 2013 (SDN)- Tababar ku sabsan  sida loo maaraynayo xaaladaha degdega ah ee xoolaha ku yimadda  ayaa maanta hawlwadeeno ka tirsan wasaaradda xanaanada xoolaha uga furmay Hotel maansoor ee magaalada Hargaysa.

dr cabdi aw daahirTababarkan oo socon doona muddo sadex malmood ah ayaa waxaa ka qayb qaadanaya mas’uuliyiin dhinca xanaanada xoolaha ah oo ka kala yimid deegaanada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mudada uu socdo ka soo qaybgalayashu ku baran doonaan siyaabaha loo waajihi karo loolana macaamili karo dhibtooyinka sida degdega ah ugu iman kara xoolaha sida xanuunada khatarta ah ee saamaynta ku yeelan kara ganacsiga xoolaha nool.

Wasiirka wasaradda xanaanada xoolaha ee JSL Dr Cabdi Aw Dahir oo tababarkaa furitankiisii ka hadlay ayaa sheegay in ka soo qayb galayaasha looga baahan yahay inay soo saaraan xog ururin lagu waajihi karo khataraha ku iman kara xoolaha Somaliland iyo guud ahaanba xoolaha dunida ku dhaqan. Waxana uu wasiirku sheegay in xooluhu yihiin lafdhabarta dhaqaale ee umadda dalkan.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed