Hargaysa oo Dilalku ku soo Bateen Iyo Jawaabta Wasiirka Arrimaha Gudaha DAAWO
Hargaysa, 20 January, 2016-(SDN/QJ): – Caasimada Somaliland ee Hargaysa ayaa Waxaa ku soo Kordhaya Dilalka Bulshada ka dhex dhaca, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade ayaa qaabilay Su’aalo adag oo Warbaahintu ka weydiisay Xaaladan Cusub ee Caasimada ku soo Korodhay.
Magaaladda Hargaysa Waxaa 48 Kii Saacadood ee u danbeeyay ka Dhacay Sadex Fal oo ay Ku Geeriyoodeen Laba Marxuun Halka uu Midna ku dhaawacmay,Kuwaas oo kala ahaa Dil Habeen hore lagu Khaarajiyey Nin ka soo Jeeda Is Maamulka Somalida Itoobiya Iyo Laba Dhallinyaro ah oo Gacanta Booliska ku Jiray oo damcay inay Ka Baxsadaan Waxaana Halkaas ku Geeriyooday Hal Wiil Midka kalena Wuu ku dhaawacmay.