|

Hargaysa: Kulankii Salaadiinta Habar Yoonis Iyo Habar Awal Ee Shalay Iyo Nuxurka Waddahadalkoodii

Hargaysa 15.Sep 2015 (SDN/QJ)- Hogaamiyayaasha dhaqanka ee beelaha Habar Awal iyo Habar Yoonis ayaa shalay ku kulmay qaddo sharaf ahaa, isla markaana waxa ku wehelinayay siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgarad ka soo kala jeedda labadaa beellood.

Hadhimadaa oo ka dhacday huteel Saba ee magaaladda Hargeysa madaxda dhaqanka eek a qayb gashay wax aka mid ahaa, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan xasan Suldaan Cabdillaahi, Sul. Mawliid Sabayse, Sul. Maxamed Daahir Cilmi, Sul. Shariif, Jiif Caaqil Gaboobe, Jiif caaqil Bulbul iyo jiif caaqil Budhyare, isla markaana waxa kale oo ku wehelinayay siyaasiyiin iyo aqoonyahano ay mid ahaayeen; Ciise Curaagte, Yuusuf Cabdi Gaboobe, Axmed Like, Axmed Jawhari, Cali Xarraaro iyo Siciid Xaaji Axmed Qulumbe oo ah siyaasi, isla markaana ah taariikh ururiyaha halgankii SNM.

Ma jirrro war toos ah oo ka soo baxay ujeeddada hadhimo sharafeeddaa, balse siday illo xog ogaal ahi u sheegeen wargeyska Ogaal qaddadaa kadib waxay labada dhinac u fadhiisteen kulan kale oo ay yeesheen galabnimadii.

Illahaasi waxay intaa ku dareen in kulankoodasi daaranaa wada tashi salka ku haya xaaladda dalka, gaar ahaan xiisadda ka taagan wareejinta haamaha shidaalka iyo mashruuca kale ee iibinta buurta gacan libaax iyo arrimaha kale ee dalka ka taagan, sidii ay aragti ahaan uga midoobi lahaayeen si wadar loogu waajaho qalooc tirka wixii jira.

Comments are closed