|

Hargaysa Iyo gunaanadka kulan lagu faaqiday dhibaatada Dhaqaale, Dhaqan Iyo Caafimaad ee QAADKU ku hayo Bulshada

Hargeysa, 25November, 2015-(SDN/QJ):- Masaajidka Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa, ayaa  lagu soo gunaanaday Kulan muddo toddobaad ah socday, kaas oo dadweynaha lagaga wacyi-gelinayey dhibaatada Caafimaad, Dhaqaale iyo dhaqan ee uu Geedka Qaadku ku hayo Shacabka Somaliland.
qaadka-hargeysa-300x169Kulankan oo gabobadiisii ay ka qayb-galeen Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiiru-dawladaha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland, Madax-dhaqameed, Culimo iyo masuuliyiin kale oo tiro badnaa, ayaa wax la iskula gartay in Qaadku yahay Aafo-Qaran oo u baahan in Dawladda Somaliland iyo Shicibkeeduba meel uga soo wada jeedsadaan sidii loo joojin lahaa, waxaana qodobbada ugu muhiimsanaa ee gabobadii kulankaasi la soo jeediyey ka mid ahaa in Manhajka Waxbarashada dalka lagu daro dhibaatadiisa, si dhallinyarada Waxbarashada ku jirtaa wax ug ogaadaan dhibaatadiisa.
Sheekh Cabdiraxmaan Axmed oo ka mid ahaa Culimadii halkaa ka hadashay, ayaa sheegay in Qaadku yahay furaha dhibaato kasta oo qofka Cunaa la kulmo, sida Xanuunnada kala duwan ee qaybaha jidhka ku dhaca, dhaqaale burburka, Xishood la’aanta iyo Aafooyinka kale ee qofka cunistiisa caadeystaa la kulmo. “Waxaad ogtihiin in dalka la inooga soo dhoofiyo aan shaqaalihiisa iyo Ciidankiisa midna loo ogoleyn” ayuu yidhi, Sheekh Cabdiraxmaan oo tusaale u soo qaadanaya in Dawladda Itoobiya ogtahay dhibaatada Qaadku ku leeyahay horumarka bulshadu gaadhi karto, haddana dadkeenu aanay ilaa hadda ka waantoobin.
Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Dr. Yuusuf oo isaguna halkaa ka jeediyey hadal kooban, waxa uu sheegay in Qaadku ka qayb-qaato faafidda Cudurka Halista ee Aydhiska, “Waxa la noo keenay ilmo yar oo laba jir ah oo cudurka TB-du hayso, markaanu waalidkiisa waydiinay ee aanu nidhi maxaa ilmaha yar u keenay Qaaxada waxa la noo sheegay in isaga iyo hooyadiiba uu hayo cudurka HIV/AID.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Markaanu waydiinay Hooyada halka cudurku uga yimid iyo in odeygeedu Tuuladu ka dhaxo, waxay noo sheegtay in Odeygu tuuladu ku dhaxo, markaa waxaad garan kartaa in Qaadku sabab u yahay.”
Suldaan Axmed-daahir iyo Suldaan Siciid oo ka mid ah Madax-dhaqameedka reer Somaliland ee halkaa ka hadlay ayaa iyaguna sheegay in Qaadku uu meel xun la marayo Shacabka Somaliland isla-markaana imika uu xitaa saameeyay nabadgalyadii, “Nin ka Ganacsata Qaadka ayaa Telefoonka igala soo hadlay, wuxuu igu yidhi deegaankii aad Suldaanka u ahayd baa Gaadhigii Qaadka la igaga rasaaseeyay ee khasaarihii ka dhashay lacagtiisii baan rabaa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey Suldaan Siciid, “Markaad tagto tuulooyinka miyiga waxaad ka yaabeysaa dadkeena Duruufta iyo jileeca ka muuqda.”
Gabogabadii kulanka waxa ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxaanu ballan-qaaday in talooyinka la soo jeediyey muddada uu kulanku socday u gudbinayaan qaybaha kale ee Xukuumadda si wax looga qabto khatarta Caafimaad, dhaqaale iyo dhaqan ee Qaadku ku hayo bulshada reer Somaliland.

Comments are closed