Hargaysa iyo Daahfurka Mashruuc Hal Sano lagu Tababarayo Suxufiyiinta DAAWO
Hargeysa, June 29, 2015 (SDN/QJ) –Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa daah-furay mashruuc balaadhan oo muddo hal sano ah socon doona kaasoo lagu horumarinayo saxaafadda Somaliland.
Mashruucan oo qorshuhu yahay in muddo saddex sanno ah kor loogu qaado aqoonta iyo tayada saxaafadda Somaliland, waxa xaflad shaacintiisa loogu sameeyey huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta ka qaybgalay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Guddoomiyaha daladda SONSAF, La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda, madax ka socotay Somaliland National Association Swedish, Guddiga Fulinta ee SOLJA, suxufiyiin ka kala socotay saxaafadda madaxbannaan iyo ta dawliga ah ee Somaliland, wakiillo ka socday ururro wadani iyo kuwa caalami ah.
Guddoomiyaha daladda ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo ugu horreyn xafladda ka hadlay, ayaa ka xog-warramay maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray mashruucan oo ay ka wadashaqeeyeen SONSAF iyo SLJA, kaas oo uu ku tilmaamay mid muhiimad wayn u leh saxaafadda Somaliland oo kor loogu qaadayo aqoontooda mihnadda saxaafadda.
Sakriye Xasan oo ka socday ururka Somaliland National Association Swedish oo kaaliin weyn ka ciyaaray sidii loo heli lahaa mashruucan, ayaa u mahadnaqay ururrada SONSAF iyo SOLJA, waxaannu ku bogaadiyey furitaanka loo sameeyey mashruuca, isagoo ku dhiirigeliyey saxaafadda inay faa’iidaystaan mashruucan, kaas oo noqon doona mid kala hagi doona xaqa saxafigu leeyahay, xaqa dawladdu leedahay iyo xaqa uu leeyahay qof kasta oo rayid ahi.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Xasan Cawaale, ayaa soo dhaweeyey mashruucan oo uu xusay inuu yahay nasiib wanaagsan oo ay heleen SOLJA iyo suxufiyiinta reer Somaliland. Waxa kaloo uu ballanqaadya inay gole ahaan diyaar ula yihiin SOLJA ka taageeridda wixii dhankooda ku xidhan.
Guddoomiyaha ururka saxafaadda Somaliland SOLJA Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa isna faahfaahiyey mashruucan iyo muhiimada uu leeyahay oo ay ka wada faa’iidaysan doonaan ilaa 500 suxufi oo ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka.
Hargeysa SDN/QJ