Hargaysa: Hooyo Da’deedu afka la Gashay Lixdan Jir oo Loox Ku Barata Qur’aanka Kariimka ah & Dulucda Fariin ay u dirtay Bulshadda Somaliland DAAWO
Hargaysa 24. August 2017 (SDN/QJ):-Hooyo 59-sano jira oo la yidhaa Hooyo Xaali Cali Xuseen isla markaana degen xaafada State House-ka ee magaalada Hargeysa, ayaa goob aan gurigeeda ka fogeyn waxaa ay ka dhigataa Qur’anka kariimka ah.
Xaali Cali waxa quraanka loogu dhigaa loox ballaadhan, waxaanay maraysaa jiskii saddexaad oo ay muddo saddex sannadood ah soo waday.waxa xiiso leh in dhaqanka ah in ardaydu quraanka ku dhigtaan loox ay ahayd caado lagu soo caano-maalay oo qarnigii 20-aad ka jirtay dalka oo xilliyadan dambe aan jirin. macalinka malcaamadani waxa uu looxa ugu qoraa ardaydisa far aad u qurux badan oo soo jiidasho leh.