|

Hargaysa: Dhaqdhaqaaqii Ciidul Adxa oo aad u Hooseeya Xoolihii ay Bulshadu Udxiyeysan Jirtay oo aan Suuq helin, Shaqaale badan oo Dawlada ka waayay Mushaharkoodii si ay Qoysaskooda uga Farxiyaan Iyo Amarkii Madaxweynaha oo Buray!!!

Hargaysa 01. September 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Dhawrkii Cisho ee u danbeeyay magaaladda hargaysa laga dareemayay in aanay suuqyada ka muuqan dhaqdhaqaaqii iyo Saxmadii ku saabsanayd u Diyaar garowga Ciidul adxa.

Waxaana loo aaneeyaa inay arrintani ku timid dhawr qodob oo ay ka mid yihiin Sicir bararka dalka ka taagan oo Saamayn ku yeeshay Farxada Ciida Waxaa kale oo Saylada xoolaha laga dareemayaa in dadkii ka iibsan jiray Neefka xoolaha ah si ay ugu Udxiyeystaan uu aad u yaraaday halka qiimaha Xooluhuna uu aad u sareeyo Isla markaana aanay bulshadu goyn karayn.

Sidoo kale Shaqaalaha Wasaaradaha dawlada Ayaan helin Mushaharkii Bisha 8aad oo uu Madaxweyne Siilaanyo amray in la siiyo Shaqaalaha iyadoo wasiirka Maaliyaduna sheegtay inay fulinayaan amarka Madaxweynaha isla markaana ay bilaabeen bixinta Mushaharka 21 Bishii August hasa yeeshee Sida ay Shabakada Qurbejoog ka soo xigatay Mas’uul ka tirsan baanka dhexe oo ka cudur daartay in Magaciisa la sheego waxaa la bixiyey Mushaharkii Ciidamadda Ka Wasaaradaha Madaxtooyadda Iyo Waxbarashadda iyadoo Qaybaha Maamulka ee Wasaaradaha dawladu ay ku soo kalahayeen baanka dhexe hasa yeeshee lagu wargeliyey inaan la hayn Lacagta laga rabo inuu baanku ku bixiyo Mushahar.

Tani Waxay Culays ku keentay waalidiin badan oo waayay Wax ay kaga Farxiyaan Ubadkooda Munaasibadda Ciida.

Comments are closed