Hargaysa: Culimadda Ehlu Suna oo Sheegay in Diintu Xalaalaysay Kaadhka Codbixiyaha Kana Hadlay rag la sheegay inay Xabaal Sheekh ka soo Faqeen Magaaladda Arabsiyo DAAWO
Hargaysa 14. July 2017 (SDN/QJ):- Xubno ka mid ah Culimadda Caasimadda Somaliland ee Hargaysa ayaa Bulshadda Ku dhaqan Gobolada Maroodijeex iyo Togdheer ka dalbaday inay Qaataan Kaadhadhka Codbixinta,Sidoo kalena Xukuumadda ugu baaqay inay Sharciga Hor keento Shakhsiyaad lagu eedeeyay inay Qodeen Xabaal uu ku aasan yahay Mid ka mid ah Shuyuukhda Somaliland gaar ahaan Degmada arabsiyo.