Hargaysa: Baabuurta Dadweynaha ee Basaska ee u Kala Baxa Xaafadaha Xero Awar iyo Idaacada oo shaqo joojin sameyey & Xubno la Xidhay DAAWO
Hargeysa 08. May 2017 (SDN/QJ):- Qaar ka mid ah basaska u kala baxa xaafada magaalada Hargeysa ayaa Maanta sameyey shaqo joojin ka dib markii uu sameyey sicir-bararka ka jira dalku, dirawaliinta basaska u baxa xaafadaha Idaacada iyo Xero Awar ayaa sameyey shaqo joojin, waxaana la arkayey dadkii xaafadahaasi ku noola oo lugta miicin biday markii ay waayeen baabuur ay raacan.
Shaqo joojinta basaska ayaa imanaysa wakhti maanta masuuliyiinta dawlada hoose ee Hargeysa iyo ciidamada booliisku dirawaliinta ku khasbeen in lacagta dadka lagu kordhiyay ee 2 Kun dib loogu Celiyo Qiimihii ay Markii hore ka qaadi Jireen oo ahaa Kun iyo Shan boqol, hoos u dhimaan.
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xidh-xidhay qaar ka mid ah baslayaashii sameyey shaqo joojinta.
Dadka la xidhxidhay ayaa u badnaa Dirawaliinta Gaadiidka ee Xaafada Xero-awr iyo Idaacada, dadka qaarna waxaa ay ahaayeen dad shacab ah oo askarta kala hadlayay Dirawaliintaasi la xidhxidhayay.
Ciidamada Booliiska waxaa ay Dhaawacyo u geysteen qaar ka mida dirawaliinta, halka askari ka tirsana dhaawac aan badneyn kasoo gaadhay Shaag baane Dirawal ku dhuftay.