Hargab Cusub oo Ka Dillaacay Magaalada Hargeysa iyo Mooganaan Wasaaradda Caafimaadka Somaliland
Hargaysa 14. December 2016 (SDN/QJ):- Nooc cusub oo duri ah ayaa ka dilaacay geyiga Somaliland kaasi oo soo ritay badiba bulshada reer somaliland,iyadoo ay la tacaalayaan daweyntiisa masuuliyiin iyo shiciba somailand ee u asiibay xanuunkanu.
Duriygan ayaa la sheegay in uu kaga duwan yahay kii hore loo yaqaanay ee badanaa dadka ku dhicijiray, iyadoo uu qofka uu ku dhaco ay uu leeyahay Madax-xanuun iyo dhammaaba curuuqda jidhka oo xanuunaysa,isla markaan waxa la sheegay in uu qofka uu ku dhaco ilaa muddo laba wiig ah haynayo,isagoo jiif iyo joogaba aana xamilayn xumadda haysay awgeed.
Dhanka kalena Durigan noociisu ku cusub yahay Somaliland ayaa haleelay dad-badan oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland.,kuwaas oo la tacaalaya daaweyntiisa,iyadoo ay dad badan iyo caruuro badan ay iskuuladii awoodi wayeen in ay tagaan iyo shaqooyinkoodiiba.
Geesta kalena wasaarada caafimaadka Somaliland iyo dhakhaatiirta kala duwan ee ka hawgasha ayaan hadda wax baadhitaan ah ku samayn durigaa,isagoo uu wasiirkii wasaarada caafimaadka Somaliland xagla toosiye ku mash-quulsan yahay arimihiisa gaarka ah iyo ciyaarta ay wada dheelaan wasiirka xanaanada xoolaha.
Isku soo wadda duuboo waxa somaliland ka dilaacay nooc cusub oo duri ah ,kaasi oo ay la jiifaan dad-badan iyadoo aanay wasaarada ku shaqada leh caafimaadku illaa hadda ka haddal.