|

“Hantidii Ummadda oo la Lunsanayo Waan Diiday Anigu inay Saxeexayga ku Baxdo” Xoghayihii hore D/Hoose ee Hargeysa DAAWO

Hargaysa 01. February 2018 (SDN/QJ):-Xoghayihii Dawladda Hoose ee Hargeysa Md. Cali Xasan Cawaale, ayaa ku dooday in sifo aan sharci ahayn xilka looga qaaday, isla markaana aan waxba laga qaban warbixin la xidhiidha musuqmaasuq uu hore ugu gudbiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin, ayaa wareegto uu soo saaray shalay, waxa uu Xoghaye cusub u magacaabay dawladda Hoose ee Hargeysa, iyadoo xilkaas loo dhiibay Md. Axmed Yoonis Aadan Mire.

 

Hasa yeeshee, Xoghayihii Dawladda Hoose Md. Cali Xasan Cawaale oo la hadlay saxaafadda shalay, ayaa tilmaamay in xil-ka-qaadistiisu dhaawac ku tahay ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE, gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi ku ololeeyey ee ahaa in sharcigu sarayn doono, musuqmaasuqana lala dagaalami doono.

 

“Runtii isbeddelku waa dhacaayoo wax jira weeye, in qofka la beddellaana waa daruuri. Anigu waxaan u arkaa isbeddelkan la igu sameeyey ee Xoghayenimada la igaga qaaday in sifo aan sharciga waafaqsan la igaga qaaday. Sababtu waxa weeye, Xoghayuhu waa wakiilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dawladaha Hoose iyo Dawladaha Dhexe meesha ay ku kulmaan.

 

Runtii waad maqlayseen in muddo ahba in aan ka hadlayey saxaafadda, iskamaan doonan, kamanaan hadal saxaafadda, laakiin wixii igu kalifayey ayaa jiray, report-yo/warbixinno badan ayaan ka qoray oo hantidii ummadda oo la lunsanayo oo lagu tagrifalayo waan diiday anigu inay saxeexayga ku baxdo. Maadaama, saxeexayga mas’uuliyad Alle iyo ta ummadduba i saaran tahay, waxaanad waxba ku qaadan oo aanad waxba ka ogeyn oo wax ummaddeed ah, aniga oo mustaqbalkayga aakhiro iyo adduunba eegaya ayaan horta diiday, waan soo bandhigay,” ayuu yidhi Xoghayihii hore.

 

Waxa kaloo uu sheegay in warbixino uu diyaariyey aanay Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxba ka weydiin, isla markaana wax baadhis ah ku samayn, waxaannu yidhi; “Markii saxeexyadaas la igala quustay hantidaas ummadda ee aan ilaalinayey la igala quustay ee Wasaaraddayadiina [Arrimaha Gudaha] aan report-ka/warbixintaas u gudbiyey, weli ilaa hadda Wasaaraddayadii su’aal igamay qaadin aniga wixii aan u gudbiyey ah; ‘Waxan ma jiraan, mise ma jiraan?’ xaataa inay jiraan iyo in kale may hubin.”

 

Xoghayihii Dawladda Hoose, ayaa sheegay in xilka looga qaaday sifo aan sharci ahayn, waxaannu yidhi; “Horta xilku waa meerto oo qofka waa laga qaadi karaa, laakiin sababtaasaan u leeyahay, ‘Waa sharci-darro.’ Qof  haddii uu qeylyo oo uu yidhaahdo; ‘Keyntan libaax baa ku jiree, bal kaalaya.’ Dee in lala arko weeye, illeyn waxbaa loo diree, haddiise waxba aan laga qaadin oo la cabudhiyo, marka dembena la yidhaahdo; ‘Maxaad u hadlaysaa xilkaa lagaa qaadee.’ Dee waxaanu u arkaa sharci-darro, waanna qodob ka hor imanaya runtii sarreyntii sharciga iyo la-dagaalankii musuqmaasuqa.”

 

Md. Cali Xasan Cawaal, ayaa sheegay in xil-ka-qaadistiisu sawir xun ka bixina xukuumadda cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo waxyaabihii uu ololaha ku galay xiligii doorashada; “Xukuumaddan oo xukuumad cusub ah mar walba garab taagan oo la shaqeynaya oo ay tahay xukuumaddii aan soo doortay, waxna ka soo dhisay, haddana Wasaaraddaasi [Arrimaha Guduhu] waxay sawir qaldan ka bixisay arrimihii xisbigu ama xukuumaddan hadda joogtaa ku ololeynaysay ee ahaa; ‘Inuu sharcigu sarreeyo, musuqmaasuqana lala dagaallamo.’ Xil-wareejintii waxaan jecellahay inaan si dhakhso ah u diyaariyo,” ayuu yidhi Xoghayihii Dawladda Hoose ee Hargeysa.

 

Waxa kaloo uu ka hadlay wayxaabo u qabsoomay muddadii uu taagnaa khilaafka u dhexeeya isaga iyo maayirka Hargeysa, waxaannu yidhi; “Anigu aad ayaan u faraxsannahay, in muddadii khilaafkayagu taagnaa oo afar toddobaad ahayd, wixii aan ka cabbanayey badh badani ii qabsoomeen, intii yarayd ee aan saxaafadda ka hadlay oo ay ka mid tahay, shaqaalaygii saddexda bilood ee mushaharka ah lahaa, aanay maanta wax mushahar ah ku lahayn Dawladda Hoose, wax deynana aanan kaga tageyn oo Ilaahay ayaa mahad leh, si wanaagsan oo xil-wareejin ahna waan ugu wareejinayaa ciddii la keenay, allow aanan ogeyn cidda la keenay ee warqadda xil-ka-qaadistu iiga timidba.”

 

Md. Cali Xasan Cawaale, ayaa sheegay in maayirku aannu marnaba si fiican ula shaqayn cidda loo magacaabo Xoghayaha Dawladda Hoose, waxaannu yidhi; “Horta waxaan xukuumadda ama Wasaaradda Arrimaha Gudaha u soo jeedinayaa, kol haddii ay sidanba tahay, markaa waxay ku qurux badan tahay, waxba yaan Xoghaye la geynin ee Maayarku cid ha magacawdo Xoghaye ah, haddii markasta Xoghayaha uu doonayo loo keenayo. Waxa uu doonayo, haddii loo sameyn waayo marka uu ka cawdo ee Xoghayihii loo beddelayo. Kan dembe ee iminka la keenayna dhibtaan la kulmay ayuu la kulmayaa, cid la shaqeyso ma helayo, shaqaddaas loo diray cid ku garab istaagta ma helayo.

 

Waxa kaloo uu ka hadlay muddada dheer ee uu ka midka ahaa shaqaalaha iyo hawlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaannu yidhi; “Anigu shaqaale ahaan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxaan joogay labaatan sannadood ee saddexdii dawladood ee Ina Cigaal, Daahir Rayaale, tii Siilaanyo iyo tan Muuse Biixi ee bilowga ah, horta saddexdaasba waan la soo shaqeynayey oo shaqaalihii ugu horreeyey ee loo qaado imtixaanka ay Hay’adda Shaqaaluhu ka qaado ee Dawladdii Ina Cigaal ayaan ka mid ahaa. Waxa iigu sababaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Wasiirkaas iminka ila jooga Maxamed Kaahin Axmed waa Wasiirkii 14aad ee igu soo mara meesha [Wasaaradda Arrimaha Gudaha], DG-gaas [Agaasimaha Guud] maanta shaqeynayaana waa Agaasimihii  12aad ee soo mara Wasaaradda intii aan la shaqaynayey.

 

Inta badan Wasiirradii iyo DG-yadii aan la soo shaqeeyey way nool yihiin, inta dhimatayna Allaha u naxariisto, weli Wasaaraddaas aan joogay oo shaqooyinka ugu adag ee ugu culus aan ka soo qabtay, digniin, anshaxmarin iyo shaqo-ka-joojin midna la iima qorin profile-kaygana kuma jirto. Wasiirkii u dembeeyey ee xilkan ii magacaabay waa Yaasiin Faratoon, waad waydiin kartaan, ilamuu tashan xataa markuu i magacaabayey ismaanaan horfadhiisan, intuu wax iga weydiiyey imuu odhan; ‘Halkaasaan kuu magacaabayaaye ka warran?’ Laakiin, warqadda oo magacaabis ah oo meeshaa la ii gartay uun baa ii timi, sidaasaan ku imi. Kolay shaqo-ka-qaadistayda iyo magacaabistaydana fara weyn ayaa u dhexeeya, Insha Allaahu waxaan kaga hadli doonaa qormooyin farabadan oo aan soo tabin doono.

 

Runtiina anigu waxaan leeyahay oo Wasaaraddana aan u soo jeedinayaa, kolba haddii ay sidanba tahay waxba yaan Xoghaye loo magacaabin Dawladda Hoose, dee Agaasimaha Maamulkaba ha ka dhigto Xoghaye oo ha magacawdo Maayarku, kolayba kuu doonayo ayaa loo keenayaaye, haddii wixii uu doonayo loo fulin waayey. Wixii khilaafkayagan keenayna lama eegin, markaa waxaan odhan lahaa, waa laga maarmi karaa Xoghaye, ha loo daayo Maayarka oo keliya ayey ku filan tahay meeshu,” ayuu yidhi Xoghayihii Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Comments are closed