Hanti Dhawrka Guud ee Somaliland oo Sheegay inay Diiwaangelinayaan Gaadiidka Dawlada Si loogu Xidho Nombarka Dawlada DAAWO
Hargaysa 09. July 2017 (SDN/QJ):- Ku Xigeenka Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Mudane Siciid Saleebaan Mire oo Warbaahinta Kula Hadlay Xafiiskiisa ayaa Sheegay inay amar ka soo Saareen Sidii Gaadiidka Dawlada loogu Xidhi lahaa Lambarka u gaarka ah Baabuurta Dawlada.
Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Somaliland Siciid Saleebaan Mire Warbaahinta qaarkeed kula hadlay Xafiiskiisa magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay jiraan Gaadiid Sababo ammaan dartood aan loogu xidhin Lambarka dawladda iyo kuwo siyaabo kale aan loogu xidhin-ba, sidaa daraaddeed, waxa uu sheegay inay amrayaan in dhammaan Baabuurta dawladdu leedahay kuwo lagu deeqay iyo kuwo kaleba in lambarkaas lagu xidho.
Waxa uu Siciid Saleebaan Mire sheegay in cidda u baahan inaanay Lambarkaas ku xidhin Gaadiidka ama Gaadhiga ay wataan ay Xafiisyada ay hawshani khusayso ee Hanti-dhawrka guud ugu horreeyo Codsi u soo qoranayso, si loo ogaado sababaha looga daynayaa inay noqdaan kuwo lagu qanci karo iyo in kale, cidda si kale uga dhego-adaygtana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono, sida uu hadalka u dhigay. Waxaanu intaas ku daray in Amarkaas lagu fulin doono muddo toban maalmood gudohood ah.
Madaxweynaha Somaliland, ayaa Ramadaan ka hor amray in Gaadiidka Dawladda lagu wada xidho Lambarka dawladda ee GT-da loo yaqaanno, isla markaana la ilaaliyo Hantida Qarnaka wakhtigan kala guurka ah ee la galayo ee doorashada Madaxtooyada la isu diyaarinayo, taasoo u muddaysan inay Somaliland ka qabsoonto 13-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2017-ka. Waxaa sidoo kale isna amar soo saaray isla Ramadaan ka hor Wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka, balse wali waxay u muuqdaan Amarradaasi inaanay hirgelin, marka la eego hadalka Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Somaliland.
Haddaba, Hadalka Shirka Jaraa’id ee uu Warbaahinta qaar ugu qabtay Hargeysa ka jeediyey Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Somaliland Xasan Saleebaan Mire, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-