Hanti Dhawraha oo maxkamada Muqdisho looga yeeray
Muqdisho (QJ) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u yeertay Hanti dhowrka guud ee Qaranka, iyadoo ku eedeysay inuu faragelin toos ah ku hayo gal-dacwadeedka Maxkamadda, isla markaana uu isku dayay inuu saameyn ku yeesho go’aannada Garsoorka.
Qoraal ka soo baxay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa lagu amray Axmed Ciise Guutaale in maanta oo Axad ah 16-ka February, 10:00 Subaxnimo uu horyimaado Maxkamadda, si uu uga jawaabo eedeymo uga yimid Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Axmed Ciise Guutaale oo arrintaasi ka jawaabaya ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku beeniyey eedaymahaas, waxaanu tilmaamay inuu jiro khilaaf u dhexeeya hay’adahaas oo ku saabsan ilaalinta sharciga.
Xafiiska Hanti-dhowrka guud ayaa yiri:
Xisaabinta u hoggaansanaanta sannadlaha ah ee 2024 waxaa ka mid ah hay’adaha garsoorka oo qayb ka ah kormeerka joogtada ah ee dawladda.
Xafiiska ayaa si rasmi ah ugu wargaliyay Maxkamadda Gobolka Banaadir, Maxkamadda Racfaanka, iyo Maxkamadda Sare ee hannaanka u hoggaansanaanta hanti dhowrka.