|

Hannaanka Sirta Loo Dhawro Oo La Barayo Saraakiisha Ka Hawlgala Madaxtooyada Somalia

Muqdisho:July,02,2014(SDN/QJ)-Shaqaalaha ka Hawlgala Madaxtooyada Somalia, gaar ahaan saraakiisha ciidamada, ayaa haatan loo Bilaabay Casharro ku saabsan habka loo ilaaliyo loona dhawro macmuumaadka madaxtooyada iyo sirtaba.

vila somaliaHawshan ayaa shaqaalaha madaxtooyada waxa u bilaabay Wasaaradda Gaashaandhigga Dawladda Federalka Somalia, iyadoo macluumaadkaas si gaar ah loo siinayo Ciidamada xarunta Ka Hawlgala.

Saraakiisha ayaa waxa la sheegay in laga dhisaayo dhanka Aqoonta iyo khibrada howlahooda, waxaana Tababaradaasi bixinaayo Saraakiil Cadaan iyo kuwo Somalia ah.

Dhanka kale, Ciidamada qaar ayaa la tilmaamayaa in loo qaadan doono maamulka Xafiisyada Ciidamada, halka wararka kalane ay sheegayaan in Saraakiishaasi loo carbinaayo maamulida iyo Tabinta wararka ee Idaacada ciidamada qalabka sida ee shalay laga furay Magaalada Muqdisho.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed