“Hanaan si aad ah u abaabulan ayaa socda, aniga oo go’aan ka gaadhaya jagooyinka wasiirada iyo kuwa kale’ Donald Trump oo Ku Mashquulsan Soo Xulida Dawladiisa iyo Xubno ka dareeray
Washington 17. November 2016 (SDN/QJ):- Iyada oo ay soo baxayaan warar sheegaya in khilaaf xooggan oo ku saabsan xubnaha ka mid noqonaya golaha wasiirada cusub ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa Mr. Trump waxa uu bartiisa twitter-ka soo dhigay in wax walba ay u socdaan si hagaagsan.
Waxa uu Madaxweynaha la doortay Donald Trump Xusay inuu go’aan ka gaadhayo Jagooyinka Wasiirada iyo Kuwa Kale ee Dublamaasiyadeed Waxaanu intaas ku daray inuu yahay Qofka keliya ee Og Sida uu hadalka u dhigay dadka ugu danbeeya ee Weli Sharaxan.
Labaatan daqiiqo ka hor qoraalkiisa, ayaa wargeyska Washington Post waxa lagu daabacay faallo uu qoray Eliot Cohen oo ah sarkaal horey dhinaca amniga qaranka uga tirsanaa oo jamhuuri ah, kaasi oo xubnaha muxaafidiinta ugu baaqay inaysan ka mid noqon maamulka Trump.
Cohen waxa uu sheegay in mar kasta oo laba maamul ay xukunka kala wareegayaan ay jiraan abaabul xumo dib u wanaagsanaada, hase yeeshee is-dhex yaaca ka jira kooxda Trump uu yahay mid aan caadi ahayn, islamarkaana maamulka Trump uu noqon doono mid aan caadi ahayn.
Dhinaca kale, xubno ka tirsan kooxda lasoo wareegista maamulka ee Trump ayaa shalay is-casilay, halka qaar kale ay hore xilka uga tageen ama darajadooda hoos loo dhigay.