Hammi aan rumoobeyn!
Caqli iyo garasho lama wada sinna, Hammi si ayaad hadda u fasiranaysaa, niyadaada Su’alo badan ayaa ka guuxaya, Tolow hammigan baas ee aan rumoobeyn muxuu ahaa? Se haddii uu hammi jiro side ayaanu u rumoobeyn ba’? adba!
Xaqiiqda waadaxa ah ee jirta manta hadii isku si aynu wax u aragno ama aad fekrad ahaanba tafsiiran karto qoraalkan nuxdiisa, maaha wax meel weyn laga eegayo, u fiirso noloshaada, Hammi ayaad leedahay, maxaad ku hammiyaysaa? Adaa laguu daynayaa oo garanaya! Manta waad caafimaad qabtaa war war li’I ayaad ku tamashleysaa, waad cuntaa oo waad cabtaa, waad seexataa oo aad soo kacdaa, maqaaxi ayaad fadhiisataa oo aad ka sheekaysaa, maalin walba intaasaad sameysaa cajiib! Oo heedhe Hammi ma lihid miyaa? Dee mayee waad leedahay, oo waa maxay? Ka soco..!
Caafimaadka aan haysano, xoolaha uu Alleh inoogu deeqay iyo quruxda uu ina siiyey oo uu noolayaasha kale inagaga duway waliba qof walba siiyey han uu wax Allaale iyo wixii uu doono ku hamiyi karo, ka waran hadii aynu intaasba adeegsan kari weyno?
Cimrigaagu waa uu cadidan yahay, waana raasa maalka kali ah ee aad haysato hadana waxaagu waxa weeye Hammi aan rumoobeyn! Waar bal u kaadi sidaa ha u fekerine, kan aan ka hadleyaa adiga maaha malaa ee waa saxiibkaa, adiga naf ahaantaada laga yaabaa inaad meelaha qaar ka soo gasho! Hadii aynu u fiirsano bulsho ahaan sida aynu u badannahay Hammi micnaheedu wuu is badalayaa waxaana lagu fasiri karaa RIYO!
Habeenkii ayaad maqashaa waa la riyoodaa, hadda habeen iyo maalin riyo ayaa lagu jiraa, tusaale ahaan manta/caawa hawlaad isku dubo ridatey, waxbaa iskugu kaa jiifa, qorshahaagu wuu dhan yahay, hadana wixiiba waa habeen xalay tagey, sidaasaad kaga gudubtey, maalintina ku dhaaftey, cad-ceedina soo baxdey, waad dadaashey oo hawlo ayaabad isku fadhiisisey! Mid ayaa jira aan intaasba isku dayin, Han yare ma hano qaado, halkan la inaga haystaa waa halkee? Somali maxamed maxaay la kori la’dahay? Malaha cunto fiican ayeynaan cunin!
Hammigan aan rumoobeyn ayaad wali is weydiinaysaa wuxuu yahay? Maskaxda aad ha u mashquulin ma dheeree, Dhinac walbaa ka eeg dhalinyarteenii, su’aalo weydii, warayso, Hammi iyo u jeedo sax ah ma ka dha-dhansatey? Hammigaas’se ma ku gaadhi karaa laba maalmood ama tiroba? Hamiga manta jiraa waa kaas labada maalmood loogu talo galey!
Haddaba hammiga dhabta ah ee qofka muslimka ah laba iyo saddex maalmood toona laguma gaadho, waa hubaal farxad iyo reyn-reyn waad jeceshahay, hadana waxaynu baal marsannahay dariiqii saxda ahaa, taasna waxaa inoogu wacan innagoo wadiiqadii yarayd ka soo boodney oo wadadii weynayd ku soo dhacney uun, xaalka iyo arinku markaa dadkaaga dhinac ka raac ayuu noqonayaa illeen waddo waasac ah ayuunbaad aragtey adoo dhex taagane!
Akhriste indhaha yaanan ku daalin, sabab Ayaan u aanaynayaa planskan aan kuu rumoobeyn! “WAXAAD ILLOWDEY HAMMIGII DHABTA AHAA!” hammiga xaqa ah waa inaad maankaaga iyo muraadkaagaba ku haysaa oo aad isku jihaysaa, marnaba ma ku Hammidey sidii aad uga bad-baadi lahayd maalinta yawmul xisaabka? Ma ku Hammidaa sidaad uga tallaabsan lahayd cadaabka una gali lahayd kuna raxleyn lahayd Jannada? Waad is tijaabin kartaa saxiib, Alleh ha Sahlo!
Ha odhan qoraalkan oo dhan Mahad ma intan yar ayuu ula jeeday? Hammigan ma halkanuu ku soo oodmayey? Xaqiiqdii qof wax ku siiya waad heshaa oo cidlo dhirta ku fuuli maysid, laakiin qof wax kuu sheega ma heshid ayey somalidu tidhaa, xal aynu raadino dibna u eegno wax wal oo aynu qorsheynayno, intaanaynu bilaabinna aynu is weydiino waxani ma kuu kheyr-roon yahay mise…? Xalal badan ayaynu ku maareyn karnaa wax wal oo aynu qabanayno ama aynu ku hammiyeyno, aynu isku dayno sidii aynu wax walba uga dhigi lahayn Hammi iyo qorshe uu Alleh SWT raali ka yahay, waa hubaal hadii aad Qalbadaada u jiheyso dhanka Alleh waligaa ma hungoobeysid!
Gunaanad ahaantii maaha marwalba ineynu ka hadalno dhibaatooyin jira oo aynu ka wada dharagsannahay ee waa inaynu raadino xalkii ama sidii aynu uga bixi lahayn caqabadaan , Nolol farxad fiican hadaad rabtana waa inaad Hammiga ku celiso halkiisii saxda ahaa, tani waa Adduunyo waa la waayaa waana la helaa, laakiin ta darani waa maalinta dambe!
Brother Mahad J. Mohamoud Guleid
Malaysia,