Hambalyooyinka iyo dhaleeceynta UCID oo kala batay maxey tahay sababtu?
Hargeysa July 14,2012(SDN)-Intii ka danbeysay kolkii ay soo shaac baxday in Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen uu u digo roganayo xisbiga UCID ayaa waxa isa soo tarayay hadal heynta arritan iyo saameynta ay ku yeelaneyso loolanka siyaasadeed ee Somaliland.
Hadaba waxa si gaadha ku biirida Jamaal Cali Xuseen iyo musharaxnimadiisa madaxweynenimo waxa ay si gaadha u saameysay qeybha kala duwan ee saxaafada iyo taageereyaasha ururada siyaasada.
Inta badan waxa aad arkeysay in ururada siyaasada iyotaageereyaashoodu in ay naftooda ku sabi jireen erayo ay ka mid ahaayeen in sadexdii xisbi Qaran ee dalku lahaa tobanka sano ay u dhamaaatay iyo in xisbi hebel laga guuray.
Saxaafada oo qudheedo ku dhexmilantay doodaha ururada ayaad maalmihii u danbeeyay arkeysay iyaga oo kal jecleysanaya aarada shacabka dareenkooda ka gudbinaya sida ay u arkaan in Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen uu ku biiray xisbiga UCID.
Waxa ooda laga rogay eedaha,waxaana hoosta la dhigay hanbalyooyinka musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga UCID.
Ka saxaafad ahaan waxa haboon in mar hadiiba ruux qalin u qaatay ka hadalka mawduuc noocuu doono ha ahaatee isla markaana aan cid waxyeeleyn in la daabaco.
Jamaal iyo UCIDba hadaaney saameyn yeelan doonin waqtiga ayaa sheegi,hadiise aad eegto sida durba cidii loolanku ka dhexeeyay ay isu qaawisay waxaad la is odhankaraa durba rag kala badi.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com