Hambalyo Madaxweyne: Ugaadhso Masuuliyiinta Hantida Umadda Xada
Jeeroo rag dheeraad cunnoo, dhumucle loo yeedho,
Nin waliba wuxuu dhimay ilaa, dhabarka loo saaro,
Dhacadiidka jeeroo rag badan, dhawda laga saaro,
Jeeroo Maxkamad loo Dhisoo, Dhididku hoobaano
Jeeroo waxay naga dhaceen, lagaga dheelmaalsho,
Daarahan la dhiibsaday ilaa, laga dhawaateeyo,
Dhunkaal shilinku jeeruu noqdoo, dhuunta mari waayo,
Dhacarsiga la deyn mayo iyo, dhiilka lays baraye,
Dhabbadaa aan soo jilay haddii, laga dhabayn waayo,
Dhutis xaalku ka ma baaqsadee, dhuuxa hadalkayga,
Abwaan Timacade Allah ha u Naxariistee
Dadweynaha reer Somaliland waxay u Damaashaadayaan talaabada Geesinimada Leh ee Madaxweyne Siilaanyo ka qaaday Masuuliyiinta Xukuumadiisa ka tirsan ee lagu eedeeyay inay xadeen Raashin dad masaakiin ah loo waday, iyada oo baadhitaano xoog leh ay wadaan ciidamadeena geesiyaasha ah ee Boolisku kuwaas oo habeen iyo maalin u taagan ilaalinta amaanka wadankeena iyo ilaalinta shuruucda u degsan Qarankeena, waxaana madaxda u sarraysa ciidamada Boliska iyo laamaha kala duwan ee qaabilsan la dagaalnka Musuqmaasaqu ay wacad ku mareen inay baadhaan goob kasta oo lagu tuhmo in wax la is daba mariyay.
Inkasta oo dal kasta oo dunida ku yaalla ay ka jiraan Masuuliyiin musuq-maasuq ku kacdaa, mar walbana ay jirayaan kuwo damiir laawayaal ah oo si khaldan uga faaiidaysta awoodda xafiisyada ay joogaan, hadana waxaa taas lagu joojin karaa marka talaabo adag oo naxariis darro ah laga qaado kuwa hantida Qaranka xada, waxaana looga baahan yahay xukuumadu inay dagaal cad oo aan kala joogsi lahayn ku qaado goob kasta oo lagu tuhmo in lagu xadayo hantida Qaranka, waxaana lagama maarmaan ah in Bulshadeenu ay noqdaan qaar mar kasta indhahooda fura oo si weyn uga qayb qaata sidii dalkeena looga dabar jari lahaa Musuqmaasuqa.
Waxaa kale oo lagama maarmaan ah in aynu maanka hayno in horumar uu dalkeenu gaadhaa uu ku xidhan yahay hadba inta uu leeg yahay Musuq-maasuqa dalkeena ka jiraa, hadii uu musuq-maasuqu badan yahay macnaheedu waa in aan Qaranku heli doonin dhaqaale uu ku fuliyo mushaariicda horumarineed, waxaana dhacaysa in cashuurta la lunsado, dakhligu yaraado ka dibna dawladu ay xataa awood u weydo inay bixiso mushahaarooyin ku filan shaqaalaha iyo ciidamada, laakiin marka la yareeyo musuq-maasuqa iyo xatooyada hantida Qaranka markaas waxa aynu awood u yeelanaynaa inaynu noqono Qaran isku filan oo ay suurto gal u noqoto in xukuumadu ay dalka ka fuliso mashaariic horumarineed.
Iyada oo ay hubaal tahay in Xukuumada imika talada haysa ee uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo ay dedaal dheeraad ah ka gashay sidii loo yaran lahaa musuqmaasuqa, isla markaasna la hawl galiyay Hanti dhowrka Qaranka, isla markaasna ay miisaaniyada dalkeenu korodhay mudada xukuumadu jirtay, hadana waxaa lagama maarmaan ah in dadweynaha reer Somaliand ay iyaguna dhinacooda ka qayb qataan sidii loo cidhib tiri lahaa Musuqmaasuqa gacantana loogu dhigi lahaa qof kasta oo ku kaca is daba-marin, waxaana looga baahan yahay in qof kasta oo muwaadin ahi uu la socodsiiyo Boliska iyo laamaha ku shaqada leh haddii uu arko cid wax is dhaaf-dhaafinaysa oo lunsanaysa hantida qaranka.
Ganacsatada Somaliland ayaa iyagana ay waajib ku tahay in aanay ganacsigooda iska xaaraantimayn iyaga oo ku kacaya inay laaluush siiyaan masuuliyiinta kala gadisan ee jooga goobaha wax lagu cashuuro, waxaana looga fadhiyaa in ay si xalaal ah oo sax ay u bixiyaan cashuuraha ku waajibay iyaga oo maanka ku haya in cashuurta ay bixinayaan ay tahay ta lagu sugayo amnigooda ee mushahaarada loo siinayo macalimiinta carruurtooda wax baraysa lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka ee aynu u baahanahay.
Culimadeena sharafta badan ayaa iyagana looga fadhiyaa inay kaalin muhiim ah ka qaataan sidii bulshada looga wacyi galin lahaa Musuqmaasuqa, waxaana lagama maarmaan ah in Culimadu ay Masaajidada ka wacyi galiyaan bulshada una tilmaamaan in aan Allah raali ka ahayn in la xado hantida umadda ka dhaxaysa. Warbaahinta dalkeena ayaa iyaduna door muhiim ah ka qaadan kara sidii ay bulshada ugu soo bandhiggi lahaayeen Musuqmaasuqa.
Ugu danbayn Waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ka rajaynayaa in aanuu u naxariisan kuwa isku daya inay xadaan Hantida Qaranka, talaabo adagna uu ka qaado masuuliyiinta uu xilka u dhiibay ee lagu helo inay hantida qaranka xadayaan. Dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan iyagana waxaan ugu baaqayaa inay Madaxweynahooda garab siiyaan, lana socodsiiyaan masuul kasta oo hantida ummada xada. Waxaa kale oo waajib ah inaan marnaba la taageerin, loona doodin cida hanti qaran xaday, waana in laga war sugaa Maxkmadaha ku shaqada leh oo qofkii dambi lagu helo ciqaabi doonta, kii danbi lagu waayana xorriyadiisa usoo celin doonta.
Kaysar Cabdilaahi
Bristol.UK
kaysar@europe.com