|

Halkee Ayuu Ku Danbeeyay Riiggii Banka Qool-cadey?

RIIGA BANLA

Hargeysa,27,,2016 (QJ/SDN) – Iyadoo ay dhawaan uun ahayd markii ay deegaanka banka Qool-cadey ay ku dagaallameen ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland iyo dadka shacabka ah ee deegaankaasi, kaddib markii ay xukuumadda Somaliland halkaasi gaysay riig la sheegay in uu hor-u-dhac u ahaa mashruuc lagu xidhaayay seeraha banka Qool-cadey.

Isku-dhacaasi dhex-maray ciidanka Somaliland iyo dadka shacabka ah kaddib waxa halkaasi ka dhacay heshiis laba dhinac ah kaasi oo ay ugu muhiimsanayd in halkaasi laga qodo Ceelal-biyood oo ay dadka deegaanku manaafacsadaan, balse illaa hadda ma jirto wax shaqo ah oo uu qabtay riiggii halkaasi la geeyay.

Lama garan karo sababta illaa hadda uu riiggaasi usoo saari waayay biyihii loogu talo-galay, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay jirto cillad dhanka farsamada ah oo ku timid riiggaas.

Dadka deegaankaaga ayaa si wayn u naawilaayay in biyo uu usoo saaro riiggaas sida ugu dhakhsaha badan, balse taasi ma ay noqon mid suurtogasha.

Dhanka kale, Xukuumadda Somaliand ayaan iyadu illaa hadda ka hadlin sababta uu riiggu biyaha usoo saari waayay maadaama markii horeba si dhakhso ku jirto loo keenay deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, shacabka deegaanka banka Qool-cadey ayaa su’aalo badan iska waydiinaya sababta uu illaa hadda biyo usoo saari waayay riiggii sababay in dagaal dhex maro dadka deegaanka iyo ciidanka Dowladda Somaliland.

Comments are closed