Halkan ka dhegeyso Wareysi Taxane ah oo aan la yeelanay Wasiirkii hore ee Qorsheynta Somaliland Md Cali Sanyare (DHEGEYSO QEYBAHA 1, 2, 3,4,5,6)
Geneva Jan 30,2015(SDN/QJ/ Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali Sanyare) oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa, isagoo joga magaalada Jineefa (dalka Swiserlaan), aannu la yeelanay wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanya. Waa wareysi taxana ah oo socon doona dhawr todobaad todobaad.Kala soco qurbejoog.com wareysigan taxana ah ayaad qeybtiisa kowaad aad maqli doontaan manta oo jimcaha ah ee bishuna tahay Janwari 30ka, 2015ka ila 6da Maars, 20015.
Wuxuu Qeybtii KOWAAD ee WAREYSIGA uu Wasiir Cali-Sanyare noogu sheegay in aannu xisbina ku biirin intii xisbigiisii UDUB saaxada ka baxay. Hase ahaatee,uu isagu weli ku jiro saaxada siyaaasadda. Wuxuu bulshada u iftiimyey ra’yigiisa ku wajahan doorashada la filayo inay ka qabsoonto somaliland bilaha soo socda . Wuxuu caddeeyey in qabanqaabada iyo qabashada doorashadu dusha ka saarantahay xukuumadda joogta. Wuxuu, si qotadheer ,ugu hadlay gaabiska ka jira qabanqaabada doorashada iyo saameynta ku yeelan karto geedi socodkii diimoqraadiyadeed ee dalka
HALKAN GUJJI SI AAD MOBILKA UGU DHEGEYSATO WAREYSIGA CALI SANYARE QEYBTIISA 1AAD
Qeybtii LABAAD ee WAREYSIGA oo soo baxay maalintii JIMCAHA ee bisha Feberwari ahayd 6 da. 20015ka, wuxuu Wasiir Cali-Sanyare is-barbar dhigay isbedel doonkii KULMIYE xukunka kaga tuuray UDUB sanadkii 20010ka iyo guuxa u eeg bilowgii kacdoon bulsho ee hadda ka jira Somaliland oo saadaalinaya isbedel kale oo KULMIYE ka saari kara xukunka markii doorashadu dhabowdo. Wuxuu ku qotomiyey saadaalinta labaatan qodob oo hadda bulshadu,si weyn, uga biyo-diidantahay.
HALKAN GUJJI SI AAD MOBILKA UGU DHEGEYSATO QEYBTA2AAD EE WARESIGA CALI SANYARE
QAYBTA SADDEXAAD: (13ka febarwari) Waxay qaybtani ka faaloon doonta xiisadaha colaadeed iyo siyaasadeed ee ka jira gobolada darafyada somaliland. Wuxuu Wasiir Cali- Sanyare u soo jeediin doona talooyin wax ku ool ah dhinacyada ay khuseyso. Kuwaas oo uu ku jiro Suldan Abiibakar Weber.
HALKAN KA DHEGEYSO QEYBTII SADEXAAD EE WAREYSIGII TAXANAHA AHAA EE CALI SANYARE
QEYBTAN AFARAAD Wuxuu Wasiir Cali is-dultaagi doona gaabiska ka taagan higsigii ahaa in nidaam maaliyadeed oo hufan loo sameeyo somaliland,.
HALKAN GUJJI SI AAD U DHEGEYSATO WAREYSIGA CALI SANYARE
QAYBTA SHANAAD ee taxanaha waxa uu wasiir Cali Sanyre uga hadlayaa Bixinta hantida kala duwan ee Qaranka.
HALKAN KA DHEGEYSO QEYBTII SHANAAD EE TAXANAHA WAREYSIGA CALI SANYARE
Wuxuu Wasiir Cali ka hadli doona TACABIRKA ama TAHRIIBTA iyo sidii horeba looga marowaayey xakameenteeda,
HALKAN HOOSE GUJI SI AAD U DHEGEYSATO QEYBTII 6AAD EE WAREYSIGA CALI SANYARE
Ugu dambeyntii, wuxuu Wasiir Cali u soo jeediin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliland, labada xisbi qaran ee mucaaridka ah iyo bulshada somaliland talooyin iyo tusaalooyin qiimo leh.
Baahinta qeybaha kala duwan ee wareysiga wuxuu socon doona lix todobaad marka
Laga bilaabo MAANTA OO JIMCE AH OO BISHUNA TAHAY JANAWARI 30, 20015. TAXANUHU WUXUU SOO BIXI DOONA TODOBAAD WALBA MAALINTA JIMCAHA EE TAARIIKHDUNA KALA TAHAY.
>>>>>>>>> . 30k Janawari, 20015 iyo
>>>>>>>>> . 6da,13ka,20ka iyo 27ka Febarwari, 20015 iyo
>>>>>>>>> 6da Maars, 20015