Halkan Ka Daawo: Xaaladda Banka Qoolcaday oo Kacsan iyo Dadwaynaha Deegaankaasi oo Nidar ku maray inay Xukuumadda Dagaal la Gali doonaan hadii ay Faraha La soo gasho Bankaasi+Siyaasiyiin ay Canbaarayn kulul u soo jeediyeen iyo Hubka oo ay Gurteen
Salaxley 24 july 2014 (SDN/QJ)- Wasaarada Xanaanada Xoolaha Somaliland ayaa dhawaan Sheegtay in Banka Qoolcaday la wareegayso kadibna Seerayaal Ka dhigayso,Waxanay xukuumadu sheegtay inay keenayso Maxjarada Indho Deero iyo Al jaabiri ayaa waxa ka soo horjeedsaday Dadwaynaha Deegaankaasi Banka Qoolcaday iyagoo sheegay inaanay ogolaan doonin cid kala wareegta gacan ku haynta bankaasi oo ay joogeen mudo dheer.
Banka qoolcaday ee Koonfurta magaalada Hargeysa ayaa waxa kormeeroi kala duwan ku tagay xukuumada Somaliland oo wasaarada Xanaanada Xooluhu Hormuud ka tahay.
Wasaarada deegaanka oo lala xidhiidhay ayaa iskagag leexisay dhinaca wasaarada xanaanada Xoolaha ,Wasaarada xanaanada Xooluhuna Way ka gaabsatay.
Xiisaddan ka taagan Banka Qoolcaday ayaa Hadii aan xal Laga gaadhin horseedi doonta Dhibaato nafeed iyo mid deegaanba.