|

Halkan Ka DAAWO Siduu u u dhacay Dagaalkii Dhex Maray Gudoomiye Cirro iyo Ku Xigeenkiisa Baashe, Dareenkii Mudanayaasha “Shinbirayahow Heesa”

Hargaysa 12.Aug 2015 (SDN/QJ)- Fadhigii maanta ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed cabdilaahi (Cirro) ayaa waxa ka dhacay gacan qaad dhexmaray xubnaha shir guddoonka.
Gacan qaadkan ayaa ka dhashay Mooshin Xukuumaddu dabada ka riixayso oo ku saabsan Burinta Go’aankii Golaha Wakiiladdu ku Laaleen Wareejinta Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Magaalada Berbera kaas oo keenay inay is faro saaraan Gudoomiye Cirro iyo Ku Xigeenkiisa 1aad Mudane Baashe Maxamed Faarax.

Muuqaalada ay Tebiyeen Telefishanada ka soo Waramayay Dhacdadan Maanta ka dhex qaraxday Golaha Wakiiladda ayaa dhanka kale soo bandhigay dareenada Mudanayaasha labada dhinac,Waxayna Gunaanadkii Madashii Maantu u Muuqatay Mid ay Guusha Mucaaridku Heleen.



Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed