Halkan ka Daawo Bulshada Somaliland oo dhaleecaysay iibka Gaandhi Public Library ee Hargeysa
London 06April15(SDN/QJ) halkan ka daawo Bulshada Somaliland ee gudaha iyo dibada oo la amakaagsan talaabada xukumada mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku qaaday rugta kali ah ee ay lee dahay caasiamda Somaliland ee Hargeysa ee ardaygu waxkubarato ee mudo 14 sano ka badan furnayd ee Yusuf Gaandhi Public Library, taas oo ay madaxtooyadu ka iibisay ganacsade dano gaari ahi ka dhaxeeyaan oo la yidhaa Faarax Xarbi.
Iibka rugta loogu magacdaray halyeygii Yusuf Ismail Samatar oo ku magac dheeraa Gaandhi, kartidii uu u lahaa waxbrashada, oo Somaliland kala diray jahliga oo dugsigii ugu horeeyey ee magaalada Burco ka furay horaantii konomeedyadii, balse deegaan ahaan ka soo jeeda magaalada Hargeysa, ayaa guud ahaanba u qaadan waa ku noqotay bulshada Somaliland ee gude iyo dibadba.qaar ka mid ah bulshada Somaliland ee UK oo iskaga kala yimid magaalooyinka kala duwan, kulana ku yeeshay magaalada London, ayaa waxa ay si weyn uga hadleen sida ay uga soo horjeedaan in xukumada Siilaanyo iib kula dhaqaaqdo Yusuf Gaandhi Public Library oo ah ka sokow adeega uu dayarta waxbarata u hayey ilaa iyo 14 kii sano ee ugu dameeyey, balse sidoo kale taalo lagu xusayo halyeygii waxbarasho.
Oday Xasan Cali Weyd oo ka mid ah odayada ka yimid magaalada London ee arinkan ka dhiidhisan ayaa yidhi “Waxa aanu madaxweynaha ka codsanaynaa in aan laga badalin Yusuf Gandhi Library oo nin kale oo ganacasada ah lagu badalin”
Sidoo kale oday Mawliid Cabdi Cabdalla oo ka mid ahaa odayadii halkaa ka halay ayaa yidhi ” Yusuf Ismail Gaandhi Library, 14 sano 9ugu dambeeyey) ee aynu dawlada waxba lagu baeranayey, oo dadkii wax ku baranayey ay hanaqaadeen, in maanta bakhaar laga dhigaa Somaliland ayaan daro ayey ku tahay, waana ceeb…”
Bulshada halkaa Sabtidii uga baaqday madaxweyne Siilaanyo ayaa da’a walba lahayd, waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Dr. Cabdi Aw Daa’uud Irir oo ka mid ah aqoon yahanka Somaliland iyo odayada degan London ee arinkani sida weyn u taabtay, waxaanu yidhi “..Waxaan mar kale ku celinaynaa in library-gaa sidiisii loo daayo, oo aan magaca ninkaasna aan la aasin..meesha Yusuf Ismail Gaandhi loogu magacdaray in la aaso waa xaaraan..”
Sidoo kale wax si adag u hadlay kana digay in la baabiisyo goobta Gaandhi Lirbary, oday Axmed Barre Cumar oo ka mid ah odayada magaalada Cardiff ee arinkani taabtay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “..waxa aanu leenahay library-gii 2aad ayaanu wax u ururinaynaa idinka kii hore ee jiray ayaad burburinaysaan ood iibinaysaan wax dhici kara ma aha, taariikhada in la inkiro ma aha….waxa aanu ka codsanaynaa dawlada in arinkaa gacanta laga qaado..”
Sidoo kale wax isna baaqa ayb ka ahaa C/raxmaan Cawlo oo ka mid ahaa xubnihii maamulka London ee SNM, dalkana u soo halgamay, aamisana in la ilaaliyo karaamada rag iyo dumar dadkii dalkan wax u soo qabtay iyo taariikhdooda.
C/raxman Cawlo oo si toosa u baaqaya madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa ka mid ah hadaladiisii ” Waxa aan maanta halkan u soo fadhiistay in aan aad waadixiyo uga dhigo jaaliyad ahaan mowqifka aanu ka taaganahay Yusuf Gaandhi Library….hal library oo ardayda yar yar ee reer Somaliland intifaacsanayeen ayaa la baabiinayaa oo buskud lagu iibinayaa waa ceeb iyo sharaf dhac umada reer Somaliland loo soo jiidayo…in laga xishoodo ayey ahayd, Mid qudhaan xusuusinayaa madaxweynaha waxa laga yaabaa skuulkii ileamntariga ahaa ee Burco ku yaalay ee aad ka soo baxday, oo Yusuf Gaandhi aas aaskiisa lahaa, intaana miyaad ku ixtiraamiweyday?”
Bulshada Somaliland ee gudo iyo dibad ayaa la yaaban talaaba xukumada Siilaanyo oo xiligii ay mucaaridka ahaayeen ku doodi jiray in ay ilaalinayaan hadntida qaranka oo ay hore ugu eedayb jireen tii UDUB in ay iibiso, hase ahaatee, Gaandhi Library ayaa ha mid labadii xukumadood ee ka Cigaal iyo Daahir Riyaale kuwo dhiiri galiyey Gaandhi Library, kuna xusay boqcad yar Yusuf Ismaaciil Gaandhi oo waxbrashda Somaliland taariikh xoogle ku leh mudna in taalo u ahaato Library-ga uu wiilkiisu, Mahad Yusuf Gaandhi uu 14 sano ka hor umada reer Hargeysa u hibeeyey ee uu si taburuc ah u waday.