|

Halkan ka akhriso nuxurka digreetada uu Madaxweynaha Somaliland xilka kaga qaaday saddex masuul oo CID-da ku xidhan iyo sababta uu u cuskaday

Hargeysa 10, March 2012 (Qurbejoog.com)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilalkii ka qaaday saddex masuul oo hadda ku xidhan xarunta laanta Dambi-baadhista (CID) ee caasimadda Hargeysa, ka dib markii ciidanka amnigu maanta qabqabteen.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soosaaray Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Madaxweyne Siilaanyo waxa uu masuuliyiintaas oo kala ah; guddoomiyihii gobolka Hargeysa Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), Agaasimihii guud ee wasaaradda Dib-u-dejinta Axmed Cilmi Bare (ina Cilmi yare) iyo Lataliyihii Madaxweyne kuxigeenka Mr. Cismaan Siciid Jaamac, waxa uu xil-ka-qaadistooda u cuskaday eedo musuqmaasuq oo ku saabsan leexsashada raashin mucaawimo ah, wuxuuna warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Degreeto madaxweyne oo numberkeedu yahay JSL/M/XILQ/249/1-949/032012 xilalkii ay hayeen kaga qaaday.

1.  Badhasaabkii Gobolka Maroodi-jeex, Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji)

2. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta, Mudane, Axmed Cilmi Barre

3. La-taliyihii Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane, Cismaan Siciid Jaamac,

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland markii uu ku qancay in madaxdaasi ay faraha kula jireen eedo musuq-maasaq oo ka dhashay raashin mucaawimo ah oo la leexsanayey.

Waxa uu go’aansaday in laga bilaabo maanta uu ka qaaday xilalkii ay hayeen sadeexdaasi masuul,

Sidaa darteedna, waxa maanta laga bilaabo xilalkii ay hayeen si ku meel gaadha u sii hayn doona

 

  1. Xilkii gudoomiyaha Gobolka Marooji-jeex waxa sii hayndoona Gudoomiye Ku-xigeenka Gobolka Maroodi-jeex.
  2. xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta waxaa sii hayndoona Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta.”

 

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed