|

Halkan Ka Akhri Qodobka Bud-dhigga u ah Muranka Keenay Kala Kaca Labadii Garab ee Dhexdhexaadinta Wakiillada

Hargeysa:16-Feb-2014(SDN)-Muranka cusub ee keenay inay kala kacaan labadii Guddi ee dhexdhexaadinayey Garabyada is haya ee Wakiillada Somaliland ayaa noqday mid si aad ah looga Hadal hayo Guud ahaanba Somaliland.

budhGuddiyadan oo muddo saddex cisho ah is hor fadhiyey ayaa ugu dambayntii isku maandhaafay qoddobo Dhawr ah oo goluhu hore cod aqlabiyad ah ku meel mariyey, iyadoo qolo waliba ay dano gaar ah hoosta ka wadato, waxana ay arrimahaasi keeneen inay Fogaato xal waara oo la gaadhaa.

Haddaba Shabakadda Qurbejoog.com oo u kuurgashay xudunta khilaafka cusub iyo meesha rasmiga ah ee labada Guddi isku mari waayeen ayaa ugu dambayntii ku Guulaysatay inay Soo Hesho halka sartu ka Qudhuntay.

Sida aanu soo Xaqiijinay Qoddobka Rasmiga ah ee la isku Mariwaayey ayaa ah codka uu Guddoomiye Cirro Xilka ku Waayi karo oo Haatan ah 56-mudane oo Kooxda kasoo Horjeedda doonayso in Laga Dhigo 45-mudane.

Garabka Taageersan Guddoomiyaha ayaa isagu aqbalay  in labada Guddoomiye-ku-xigeen oo ah Meeshii dhibkani ka dhacay lagu Celiyo Codkii ay hore Xilka ugu waayi jireen oo ahaa mid la mid ah  kan Guddoomiyaha, balse waxa Taas gaashaanka u daruuray Garabka kale oo codsaday in Guddoomiyaha Tirada uu awoodda ku waayi karo Hoos loo  soo dhaadhiciyo oo loo keeno midda Labada Guddoomiye Haatan laga Dhigay oo ah 45-mudane oo kaliya.

Sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan guddida Dhexdhexaadintu, waxa la isku mari waayey qoddobkaas Tirada Xilalka lagu waayi karo oo qolona Doonayso in midda Guddoomiyaha hoos loo dhigo, kuwa kalena Doonayaan in Midda Labada Guddoomiye Kor loo qaado.

Qoddoba kale oo iyaguna muran keenay ayaa ah waxa laga Yeelayo Shuruucdii dhawaan Goluhu u coddeeyey ee la Xidhiidhay in Shirguddoonku kaliya yahay Guddoomiyaha oo labada ku-xigeen ay Hoostiisa Fadhiisanayaan, waxana Qoddobkaas isaga ah si weyn uga soo Horjeeda Gabarka Madaxtooyada ku xidhan oo Doonaya in Labada Guddoomiye Meeshoodii hore lagu Celiyo oo shirguddoonku sidoodii hore ahaadaan.

Khilaafkan ayaa sii xumaaday haatan waxana labada dhinac ay Eedo isu mariyeen Warbaahinta iyadoo  haatan arrintu dib ugu noqotay Golaha Guurtida oo markii horeba isku xilqaamay inay Dhameeyaan Xurguftan cusub ee Golaha Soo Kala Dhex Gashay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed