Halkan ka akhri go’aanka Maxkamadda Sare ee Somaliland ka gaadhay dacwadii u dhexaysa garabyada xisbiga UDUB u qaybsamay, maxayse ku talisay?
Hargeysa 29, May 2012 (Qurbejoog.com)- Maxkamadda Sare, ahna Maxkamadda Distooriga ah ee Somaliland, ayaa maanta go’aan ka gaadhay dacwad u dhexaysay laba garab oo xisbiga UDUB u qaybsamay.
Fadhiga Maxkamadda oo ahaa kii labaad ee ay dacwaddan ka yeelato, waxa guddoomiyaha Maxkamadda Sare garyaqaan Yuusuf Ismaaciil Cali kaga dhawaaqay xukun dhawr qodob ka kooban, waxaana ka qaybgalay madaxda labada garab ee xisbiga mucaaradka ah ee UDUB u kala jabay.
Dacwaddani waxay u dhexaysay guddoomiyaha UDUB, ahna Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo guddoomiye kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, waxayna ka dhalatay muran dhinaca hoggaaminta ah iyo murashaxnimadii Jamaal Cali Xuseen ee guddoomiye kuxigeenka xisbigaasi dhawr bilood ka hor shaaciyay.
Xukunka uu ku dhawaaqay guddoomiye Yuusuf Ismaaciil Cali oo ay afar xubnood oo garsooreyaasha Maxkamadda ka tirsani hareero taagnaayeen, waxa uu isagoo dhamaystiran u dhignaa sidan; “1. Waxay Maxkamadda Sare diiday asbaabta racfaanka racfaanlaha Axmed Yuusuf Yaasiin ee ku taariikhaysan 21/04/2012 iyo dood afeedkii qareenka u doodayay.
2. Waxay ogolaatay jawaab celinta asbaabta racfaanka racfaansane gudoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin iyo dood afeedkii qareenkiisa iyo jawaab celinta ku taariikhaysan 09/05/2012.
3. Maxkamadu waxay ayiday go,aanka guddida diiwaangelinta iyo ansixinta asxaabta qaranka ee sumadiisu tahay GDUAAS110/2012 kuna taariikhaysan 17/04/2012.
4. Waxay ku kordhisay Maxkamadu in warqada sumadeedu tahay tixraac GXUDUB-001-2011 ee ku taariikhaysan 03/10/2011 iyada oo maxkamadu ku kordhisay in warqadaasi leedahay ku dhaqan sharci, taasoo uu soo diray guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayeele Kaahin ujeeddadeeduna ahayd soo xulista guddida xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Udub.
Guddidaas oo tiradoodu ahayd 35 xubnood oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka xisbiga Udub Axmed yuusuf Yaasiin waxay yeelanaysaa ku dhaqan sharci waxqabadyadii warqadaas ama igmashadaas lagu saleeyey ee ku soo baxay hadii la raacay oo lagu dhaqmay nuxurka iyo ujeedada warqadaas ku qornaa.
Wax-ka-beddelka iyo soo-jeedinta xeerka xisbiga UDUB waxa loo raacayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 1aad iyo 2aad ee xeerka guud ee xisbiga Udub, sidoo kale wax ka beddelka xeerku waxa uu ku ansaxayaa sida uu dhigayo qodobka 23-aad faqradiisa 3aad ee shirweynaha xisbiga UDUB. 5. Xukunkan waxa lagu dhawaaqay maanta oo ay bishu tahay 29/05/2012.”
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com