Halka ay ku Sugan Yihiin Suldaan Wabar iyo Kooxda uu Hogaamiyo iyo Cida ka Danbaysa
Boorama 09.Jan 2015 (SDN/QJ)- Maayirkii hore ee magaaladda Boorama Cabdiraxmaan Shire Bile oo la socda Suldaan Wabar, ayaa ka hadlay halka ay ku sugan yihiin isaga iyo Suldaan Wabar, isla markaana wuxuu sheegay inay ku hawlan yihiin sidii maamulka Siilaanyo uga saari lahaayeen Gobolka Awdal, sidaa wuxuu ku sheegay khadka Telifoonka oo uu ugu waramayay Telifeeshanka Universal ee xafiiskiisa uu ku leeyahay dalka Maraykanka.
“Anigu immika waxaan joogaa deegaanka Gobolka Awdal, waxaana halkan ka qabanayaa waad og tahay dhaq-dhaqaaqa ka jira Gobolka Awdal. Aniga iyo Suldaan Wabar-na waxaanu buuraha Qulijeed u joognaa hawl ah, sidii maamulka Madaxweyne Siilaanyo uga bixilahaa Awdal,”ayuu yidhi Cabdiraxmaan Shire Bile.
Cabdiraxmaan Bile oo la weydiiyay waxa ku kalifay inay ka horyimaadaan Somaliland wuxuu ku jawaabay.“Waxaa keenay inaanu baxno waxbaa la wada yeelan waayey. Haddii laba nin ay shirkad wada yeeshaan oo mid badsado, waa in waddadaas la kala maro, haddii meesha cadaalad laga waayo. Koontiirdhar lagu xidhmaan maayo, cadaalad daradaasna la dugsan maayo. Wixii Salaadiinta iyo Odayaashu u tageen ayaa cutami waayey oo socon waayey.”
Cabdiraxmaan Bile oo la waydiiyay su’aal ahayd inta ciidan ee la socota, isaga iyo Suldaan Wabar wuxuu ku jawaabay.”Ma haboona inaan idhaahdo intaas oo ciidan ah ayaa igarab joogta oo nala socota, laakiin waxaanu ku kalsoonahay kartidayada.”
Hase yeeshee Maayirkii hore ee Degmada Boorama oo la waydiiyay Su’aal ahayd maxaa sababay inaad ku dhawaaqdaan inaad ka baxeen Somaliland iyo cidda ka danbaysa, madaama Madaxweynihii hore ee soo xukumaayey Somaliland Daahir Riyaale iyo Madaxweyne ku-xigeenka immika ee Cabdiraxmaan Saylici iyo saddex Wasiir oo ka tirsan Golaha Wasiiradda ee xukuumadda Axmed Siilaanyo, ayaa ka aamusay oo wax jawaab ah ka bixin su’aasha wariyuhu weydiiyay, isla markaana wuxuu jaray khadkii isgaadhsiinta ee Telifoonka.