|

Halista Caafimaad Ee Duuga Iyo Nadaafad La’aanta Barkimada Lagu Seexdo !

Hargaysa 26. February 2017 (SDN/QJ):- Haddii aad had iyo jeer ka cabanayso indho xanuun ama ay indhahaagu casaadaan isla markaana kugu bato cuncunka indhuhu waxaad ogaataa in barkimada aad ku seexataa ay dhibaatadaasi sabab u tahay sida lagu soo bandhigay wargeyska Daily Mail .

 

Khubaro ka faalooday arrintan ayaa sheegay in qofku haddii uu barkimada isticmaalo muddo laba sano ah ay 10% ka mid ah barkimadaasi uu noqonayo Boodh iyo sidoo kale Unugyada Maqaarka jidhka ee bakhtiyay unugyadaasi oo ah kuwa mar kasta oo uu qofku seexdo qaar ka mid ah uu kaga kaco barkimada uu ku seexdo.

Dr Lisa Okirla ayaa ka mid ahayd khubarada soo bandhigay Cilmi-baadhistan “Isticmaalka Barkimada qofka oo raagta ama nadaafadeeda oo la ilaalin waayaa waxa uu sabab u yahay dhibaatooyinka ay ka midka yihiin Cabudhka iyo Cuncunka indhaha, neefta oo qofka ku dhegta wasakh had iyo jeer ka socota Sanka qofka haddii ay tahay Qabaw iyo haddii ay tahay Kulaylba”.

Dhakhaatiirta ayaa waxay soo jeediyeen talo ah in labadii sano ba uu qofku iska badalo barkimada uu ku seexdo, waxa kale oo ay intaasi raaciyeen in aanay habboonayn in dharka qoyan lagu dhex qalajiyo aqalka dhexdiisa ayna habboon tahay in cadceeda loo dhigo si aanay uga dhallan Bakteeriya ku abuuranta aqalka gudihiisa oo ugu danbayn hoy ka dhiganaysa Barkimooyinka yaala guriga, runtii waa arrin aad u muhiim ah oo dhammaanteen ay habboon tahay in aynu wax ka badalno iyada oo laga yaabo in dad badan oo inaga mid ahi aanay ogeyn muddada ay isticmaalaan barkimooyinka ay ku seexdaan oo laga yaabo inay ka badan tahay laba sanadood.

Xigasho Wargeyska Himilo

Comments are closed