|

Haldoorka Gobolka Awdal oo Si adag uga hadlay Qiimaha Nabadgalyada Shaaciyayna inay Kalsoonidii Kala Noqdeen Suldaan Wabar DAAWO

Boorama, 16,Feb 2015 (SDN/QJ):- Kulan lagaga hadlayey nabadda iyo horumarinta ayaa shalay lagu qabtay huteel Rays ee magaalada Boorama, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen arday ka socotay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Cammuud.

???????????????????????????????Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Salaadiin, Cuqaal, Masuuliyiinta Jaamacadda Cammuud, Culimaa’uddiin iyo waxgarad kale ayaa markii u horreysay muddo sannado ah waxa ka hadlay Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo hore Madaxweyne ku-Xigeen uga soo noqday Somaliland.

Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud Prof Suleymaan Axmed Guuleed oo ka hadlay munaasibaddan ayaa ugu horreyn u mahadceliyey dhallinyarada iyo ardayda soo qabanqaabisay kulankan, isagoo guddoomiyuhu sidoo kalena ka soo sheekeeyey nabaddii lagu dhisay Somaliland iyo nabaddii lagu aasaasay Jaamacadda Cammuud guulihii laga gaadhay iyo sida loogu baahan yahay inaan maanta dib loogu noqon wixii la soo maray labaatan sano ka hor.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo isna ka hadlay kulankan nabadda iyo horumarka ayaa ka hadlay doorka reer Awdal ka soo qaateen dhismaha Somaliland iyo sida mar walba ay qayb uga ahaayeen dawlad kasta oo dalka xukumaysay ilaa maanta, waxana hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi: “Reer Awdal waxay soo dhiseen dawladnimada Somaliland, waxayna mar walba Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen ka soo ahaayeen kana yihiin dawlad kastoo Somaliland yeelato, mana eegan karro in indhaheenoo shan ah la yidhaahdo waanu baabi’inaynaa ama waanu burburinaynaa tacabka ummadda Somaliland iyo reer Awdalba geliyeen dalka jiritaankiisa iyo amnigiisa, ciyaarna kuma iman ciyaarna lagu baabi’in maayo.”

Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mid ah culimada waaweyn ee Boorama ayaa isna halkaa ka hadlay, isla markaana farta ku fiiqay sida ay nasiibdarro u tahay in maanta Reer Boorama ama reer Awdal ka welwelaan nabadii ay barteen, waxana sheekha hadalkiisii ka mid ahaa: “Dhawr iyo labaatan sannadood oo aynu Somaliland ka mid ahayn dhidibadeeda ayaa maanta la hadalhayaa nabadgelyo, wax la filayey ma ahayn ama reer Boorama welwelaan, waxaan doonayaa inay dhallinyarada maantu ogaadaan oo bartaan sida Somaliland lagu soo dhisay, dhibtii loo soo maray iyo sida maanta dad aan waxba ka ogeyni u doonayaan inay ugu ciyaaraan nabadda iyo horumarka.”

Sidoo kale waxa munaasibaddan ka hadlay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadda Cammuud ee soo qabanqaabisay kulankan, kuwaas oo ku soo celceliyey in dhibaato waxbarashadooda ku iman karto hadii lagu ciyaaro nabadda iyo horumarka maanta la gaadhay.

Comments are closed