Halasaha Abaarta iyo Halista Mashruuca Iswanjalka iyo Isgodobaynta! Cirro, Muuse Iyo Faysal: Somaliland Ka Soo Hadha Tartankoodda, Mise Mid La Dhimata? Qalinkii Suxufi Muuse Jaambiir
Hargaysa 04. January 2017 (SDN/QJ):- Ma odhan karro waa saddexdii ugu sitay Somaliland, balse waxaynu odhan karraa waa saddex waqtigu saami ahaan inoo hor keenay. Ma odhan karro waa isku mid Siyaasad ahaan, talo ahaan, go’aan ahaan iyo dhaqan ahaanba, balse waxaynu odhan karraa way kala duwan yihiin si la mid ah sida aanuu qofna qof ula mid ahayn, abuur waliba waa gaarkeeda.
Dhaliil iyo dhugasho midba si buu umadda isu baray oo ay u taqaannaa. si la mid ah taa midba siduu isu baray iyo abuurtiisuu magansanayaa oo dadka wax kaga doonayaa. Waxay ina hor joogaan xilli adag oo saymaha duruufaha inagu xeeranni filasho wax saareen yeelan karraan, haddaan laga feejignaan.
Waxay doonayaan inaynu kala dooranno sadexdooda oo ka xulano kii ina hor geli lahaa berri. Waxay xaq inoogu leeyihiin inay cod ina waydiistaan, innaguna umad ahaan aynu u kala codayno oo midba calafkiisa inaga helo, hiil kalese maya! Waynu ku khasbanahay inaynu sidaa yeelo oo farteenna wax ku bedelo, oo ma jirro xeer kale. Cugashadu waa awood alle oo xagga Eebbe waa cad yahay kuu calafkaa u diyaariyay, Innaguse hadda ma ogin.
Aadami ahaan waxaynu nahay jillayaal sabab looga dhigayo imaatinka ka ilaahay sedkiisa ka yeelay. Sidaa daraadeed, qofna ma awoodo inuu kursiga saaro ka uu jecel yahay, ka uu neceb yahay ama ka soo horjeeddana seejiyo calafkii Ilaahay u qoray. Laakiin, bashar ahaan waxaynu awoodnaa inaynu kala raacno oo qofba kuu doono codka ugu hiiliyo. Tan lafteedu waa awood Eebbe oo qofba meel baa loo dirayaa, waayo, garashadii aad dhankaad doonto ku raaci lahayd ayaa lagu siiyay oo sabab u noqonaysa meeshaad marayso. Sidaasaa lagu kala badsanayaa taageeradda dadka oo kii loo qoray Ilaahay ugu badinayaa.
Way dhici kartaa in qof qaab khaldan wax ku doono, musuqna wax ku helo, laakiin taa macnaheedu maaha qofkaasi wuxuu dhacay calaf aanuu lahayn, waayo, qofna ma helo qurus aan Sareeye u qorin. Sidaa aawadeed, sugnaantu waxay u dhigan tahay uun, in qofkaasi qaabkaa leexsan ee uu Alle wax kaga doonay uu wax ku siiyay, sababtoo ah Ilaahay adoonka wuxuu wax ku siiyaa dariiqa uu wax kaga doono samaan iyo xumaanba.
Sidaas ayuu midna qurus aan xalaal ahayn oo xaaraan ah ku hellaa, midna mid xalaal ah ku hellaa, isla markaanna mid kastaaba labadaa dariiq midkood uun buu umadda u soo marayaa, mid ku guulaysta iyo mid ku guul daraysta oo jabkiisa xeelad looga dhigaba. Markay sidaas tahay, dad ahaan waxa inala gudboon oo keliya in aynu nidhaahno, ‘Doorrow noo door’ kaad noo doortaaba waa ficilkayagiiye.
Aan ka soo laabto is xusuusintaa oo u soo dego dulucda. Xisbiyadda Somaliland maanta dhawaaqyadda ay ku isku celcelinayaan maaha qaar dhaqaya, ee waa qaar uga daraya intan aynu haysano. Berri iyo dihashada waaga soo fool leh waxa iman karrana, waxa laga saadaaliyaa ama sii hilaadintooda sal u ah, waxa aawan ee maanta socda.
Markaan taa ka shidaal qaadano, maanta qaabka wax u socdaan, haddaan laga hakoon ee lagu sii socdo, humaaga filashada libdhada soo socotaa siduu noqonayaa? Tiigaal, tiigsi iyo baadidoon dheer midna u geli mayno helista jawaabta su’aashan, marag furkeeddanna waxa inagaga filan werwerka iyo walaaca soogan ee ka dhashay mashruucan iswanjalka iyo isgoddobaynta u muuqda ee socda.
Kaasoo mid bilaabay , mid ku raaacay iyo mid la wadaagayba, midba saami ku leeyahay sharkiisa mid cantuugay iyo mid kabadayba, isla markaana maxsuulkiisu noqonayo uun kala sooc, kala gur iyo dib u soo noolaynta colaaddii sokeeye iyo foolxumooyinkii isku dhufashada beelaha ee hore u dhacay. Mashruucani kama taganna cabsi siyaasiya oo ku taxan tartanka oo xisbiyadu kala qabaan, isla markaana isku qubashadan sida foosha xun laysugu mudhuxsaday xooggeedu wuxuu la istaadhmay socdaalkii weftiga xisbiga Waddani ku tegay Nairobi.
Dagaalka afka ah oo is eeddayn iyo isxajiimayn ah ayaa sidaa ku bilaabmay, kaasoo saamaynaya wadajirka bulshada, isla markaanna gumaynaya gobanimadda tartanka, isla markaana xusuustii xumayd ee shalay dib u soo dabaalaya, oo sanadkan dhamaadkiisu sii qoyan yahay inooga dhigaya 1994, kan cusub ee inoo bishayna inooga dhigaysa 1995, halka sanadka kowsaday ee dunidda u bishay ka yahay 2017.
Fili mayno taa, ilaahayna maanta kama dhigo shalaydaa martiqaadkeedii xumaa laga soo gudbay. Laakiin waxa hubaal ah umad waliba galabsigeeda in aanay seegayn, taana waxa tusaale cad eegga u ah, abaarta iyo oodda lulka aynu ku jirro, oo yimi markaynu wanaagii ka dheeraanay iyo waliba sidaynu uga jeedno ee ugu jeedno naaxnaaxinta sharka, oo aynu ku galabsan karro ciqaabo culus oo kale.
Haddaan loo midoobin beegsiga Somaliland jirta oo taagnaata, kana soo hadha kala doorashada sadexdan murashax; Cirro, Muuse iyo Faysal. Halku dhega iyo badheedhaha umadduna aanuu ahaanin; Somaliland Shalay way jirtay, maantana way jirtaa, berrina way jirri doontaa. Waayo; Somaliland maanta ma joogto xilli laga filayo in caadifaddi kala didiso.
Ma filayo inuu jirro qof muwaadin ah oo doonaya Somaliland la dhimata tartanka sadexdan nin, hadduu jirrana waxa laga badbaadi karraa sharkiisa midnimo iyo wadajir, ee laguma caabiyi karro qaybsanaan, hubkiisuna waa aragti umadda kala qoqobaysa oo ma qarsoomi doonno.
Haddaba, Somaliland si ay uga samata baxdo dabinadda waqtigan kala guurka ah, halasaha abaarta iyo baaxaadega kalsoonida nolosha maanta haysta, una ilaashato amnigeeda, waxa lama huraan ah, in dawlad, xisbiyo iyo shacabba loo midoobo baajinta wax kasta oo albaabadda tafaraaruqa inagu furi karra, isla markaanna sasab u noqon kara, muraadaysi iyo ka faa’iidaysi aan dan inoo ahayn oo cid kale(dibadda) innagaga yimaada.
Gaar ahaan sadexda xisbi waxa la gudboon inay la yimaadaan curin iyo hal abuur is ixtiraam ku salaysan oo ka dheer wanjal, xiqdi, xumaan, kala qaybin, gaabsi iyo dhabar garaac siyaasadeed oo umadda u kala abtirinaya. Waxa kale oo la gudboon in hogaamiyayaasha sadexda xisbi ay wadajir ula hadlaan umadda oo ka raali geliyaan adeegsiga hal abuurka guracan.
Sidaa si la mid ah, warbaahintu/saxaafaddu, inkastoo aanay wadaagin buunbuunita sharka, misana waxay wadaagtaa magaca, markaa waxa waajib ah inay joojiyaan faafin kasta oo dhiirigelinaysa xumaha. Mid Xisbiyadda kala raacsan iyo mid u dhex ahba, warbaahinta waxa la gudboon in aanay yeelan sifihii tii Ruwanda ee hormoodka ka noqotay xasuuqii dalkaa ka dhacay 1994.
Geesta kalena, waxa muhiim ah, in Somaliland guud ahaanba indhaha siiso xaqiiqadda hor taalla oo maanacaysa in laysku mashquuliyo wax kale, oo aan ka ahayn dalbidda gurmadka ilaahay iyo la tacaalidda intii tamar ah tabaalaha abaarta baahsan ee dad iyo xoolabba ku yuururta wadanka, taasoo ah aafo dabiici ah oo aan lays diidsiin karin.
Muuse Jaambiir
Xigasho Wargeyska Ogaal