Hal Qof oo Ku Geeriyooday iyo Afar Xubnood oo ku dhaawacmay dagaal Maanta Ka dhacay Magaalada Ceerigaabo.
Ceerigaabo 10.Nov 2015 (SDN/QJ):- Is rasaasaynta iyo dagaal udhexeeya ciidamada Booliska iyo Jabhad hubaysan oo uu wato sarkaal magaciisa Lagu sheegay Gaashaanle sare Axmed Cadib ayaa Galabta ka dhacay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta u ah Gobolka Sanaag.
Walow hada is rasaasayntii istaagtay, balse labada dhinac ee ciidamada Dawladda iyo kuwa sarkaalkani hogaaminayo, waxay dhufays kaga jiraan badhtamaha magaalada,
Magaalada Ceerigaabo inta la hubo 4 Ruux ayaa ku dhaawacmay 1 ruuxna wuu ku geeriyooday iska hor imaadkani.
lama xaqiijin karo qasaare intaasi dhaafsiisan waxan xidhan wadada Loo maro cusbitalka guud ee Ceerigaabo halkaaso ciidamada Dawladu dhufayska kaga soo jiraan aysana suuragal ahayn in dhaawaca loo gudbiyo Cusbitalka, waxana la sheegay in dhaawaca la geeyay Cusbitalka manhal.
Sarkaalka Wata Kooxda Dagaalka kala hor tagtay Ciidamada Qaranka.
”Laba seben ayaanu ku ridnay ciidamada oo gardaro weerar ah igu soo qaaday waxay doonayeen inay dhinaca Dahabshiil ee koonaha sare kasoo gaalan dhufayskayaga, waxabana adeer kuuma faahfaahin karayno ee ana kula soo hadlaya.” Ayuu ku soo koobay hadalkiisa Sarkaalkani.