|

Hal Qabsigii Siilaanyo ee Dawlad Tiro Yar, Waxaa Bedelay Dawlad Tiro badan oo Tamar yar {FAALO}.

Hargaysa 26.June (SDN) Waa Sadex Sanno oo buuro ah Markii Maantoo kale ay Shacabka Somaliland u dareereen Goobihii Codbixinta Doorashadii Madaxtooyada ee Qabsoontay 26 June 2010-kii,Taas oo ay ku Loolamayeen Madaxweynihii wakhtigaas talada dalka hayay kana soo Jeeday Xisbigii Udub Daahir Rayaale Kaahin,Gudoomiyihiii Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweynaha haatan Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye iyadoo ay ku lamaanayeen Sadexdoodii ku Xigeen.

Mudane Siilaanyo marka uu Naqdinayo Siyaasada Xukuumadii Rayaale waxyaabaha uu daliishan Jiray Waxaa ka Mid ahayd in dawladaasi ay waxba ka qaban weyday Tahriibta,Shaqo La’aanta, Dawlad Tiro badan iyo in Xukuumadaasi ku Fashilantay Horumar uu dalku ku talaabsan lahaa.

Waxaynu ka wada dheregsan nahay in Madaxweyne Siilaanyo iyo ku Xigeenkiisa Mudane Saylici Codadkii ay ku soo baxeen uu ku soo laban laabmayay Tirada Guud ee labadii Xisbi ee kale haysteen.

Maalintii lagu dhawaaqay inay ku Guulaysteen hogaaminta wadanka waxa uu ayaantii ku Xigtay Soo saaray Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Gudi kala soo talisa dhismaha Xukuumadiisa Cusub Way fiican tahay in qofka hogaamiyaha ahi uu talada badsado hasa yeeshee waxaa meesha ku Jirta Maxaa Xisbiga Kulmiye ee uu Murashaxa u ahaa uga Meel yaalay Qaddiyadan oo kale,Miyaanayse Jirin Gole Xukuumadeed oo Miiska oo uu Madaxweynuhu ku soo Xushay inay Qarankan gaadhsiin karaan Yoolka uu Beegsanayo,Miyaanu Buugii Cagaarnaa ee Xisbiga Kulmiye ku Cadayn waxyaabaha ay Qaban doonaan Boqolka Cisho ee ugu Horeeya Mudada Xil haynta Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Ku Xigeenkiisa .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku dhawaaqay dhismaha dawladiisa 28kii bishii July 2010kii,Isagoo ku baanay in Xubnaha Wasiiradiisu uu ku soo Xushay Aqoontooda, iyo Hawl karnimadooda,Waxaanu ku Nuux Nuuxsaday in Xukuumadiisu ay tahay tii ugu Tirada yarayd uguna Tayada badnayd Mudadii ay Somaliland Jirtay,Haa Waxbaa ka Jira waayo waxa uu Shaaciyay Shan Labaatan Xubnood oo Wasiir iyo Wasiir ku Xigeen isugu jira taas oo uu Sheegay inuu ku rajo weyn yahay inay ka midho dhalin karaan Halka uu Qarankani Geedigiisu u Socdo.

Bilihii u horeeyayba waxaa soo if baxay in Xubnaha Golaha Wasiiradiisu Meel u wada jeedin isla markaana aanay lahayn bar tilmaameed cad waxaa daboolku ka qaadmay in dawladii cusbayd ay dhexdeeda ka bilaabmaan Yooyootan iyo inaanay u kala Xadaysnayn Xilalka ay Qaranka u hayaan.

Waxaa Shaki la’aan ahayd in Xisbiga Kulmiye iyo Xubnihii ugu Tunka weynaaba ay ka Maqnaayeen Miiska Qaranka looga aramiyo sidoo kale marka dib loogu noqdo Weedhihii Xisbiga Kulmiye warbaahinta ku faafin jiray Xiligii ay Mucaaridka ahaayeen in loo qaadan karo kuwo ay Shacbiga ku beer laxawsanayeen inay Codkooda ku taageeraan balse aanay Jirin Qorshe Cad oo ay ku Maarayn karaan Mushkiladihii ay ku dhaliili jireen Dawladii ka horaysay tooda haatan.

 

Aynu ku soo Noqono Golaha Wasiirada ee Madaxweyne Siilaanyo Magacaabay Marar kala duwan waxaa si waadix ah u soo if baxay Tuhun horeba loo qabay oo sheegayay in Xisbiga Kulmiye ee Dawlada jirtaa ka dhalatay aanu u abuurnayn inay dal hogaamiyaan, Waxay ka Fursan weyday in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu Xisbiyadii Mucaaridka ah ka soo fadhataysto Xubno uu ka dhigo Wasiiradiisa kadib markii uu Xisbigiisii Kulmiye ka waayay Cid buuxin karta,Waana Sida loo fasiran karo Maadaama uu Xisbi ka soo hor jeeda Qaar ka Mid ah Gudiyadiisa Fulinta amase Golihiisa dhexeba uu ka soo waarido Shakhsiyaad uu u arko inay dalka la hogaamin karaan ama marka si kale loo dhigo la odhan karo waxaa uu ku Xushay aqoonta ay u leeyihiin hogaaminta iyo ka fal celinta waxa ay dadku doonayaan.

Waxaa ka Mid ah Xubnahaasi Maxamed Nuur Caraale Duur oo inkasta oo uu ku abtirsan jiray Xisbigii Udub hadana aragtidiisa Siyaasadeed ay u Janjeedhay dhinaca Mucaaridka kana Tirsanaa Golaha Wakiilada, oo uu ka dhigay Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ah Xil Culayskiisa leh.

Dr Maxamed Rashiid Sh.Xasan oo ahaa Murashixii Madaxweyne ku Xigeen ee Xisbiga Ucid uga Qayb galay Doorashadii Madaxtooyada ee Sadex sanno ka hor dalka ka qabsoontay oo uu ku soo Xero geliyay Ergayga Wareega ee Citiraaf raadinta Somaliland balse uu markii danbe ka dhigay Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada.

Cali Cilmi Geele oo ahaa Gudidii fulinta ee Xisbigii Udub iyo Wasiir ku Xigeenkii Warfaafinta ee Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin oo uu ka dhigay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta .

Axmed Cabdi Xaabsade oo ka Mid ahaa Mus danbeedkii Xisbigii Udub oo uu laba jeer u kala Magacaabay Wasiirada Warfaafinta,Hawlaha Guud iyo haatan oo uu Madaxweynuhu ka dhigay La Taliyihiisa arrimaha Doorashooyinka.

Cali Maxamed Xasan “Cali Sandule” oo Markii hore ka tirsanaa Xisbigii Udub kana Mid ahaa Golihii Wasiirada ee Xukuumada Siilaanyo Xilka kala Wareegtay balse markii la furay Ururada Siyaasada ka mid noqday Madaxdii Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor oo uu u Magacaabay Wasiirul dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Gobolada bari.

Cali Maxamed Warancade oo ka Mid ahaa Shakhsiyaadkii uu Gacantooda ku burburay Xisbigii Udub,Balse Taageeradiisii u wareejiyay dhinaca Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo uu haatan u Magacaabay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha.

Tiradii Shan iyo Labaatanka Wasiir ee Madaxweyne Siilaanyo ku dhawaaqay 27 July 2010kii waxay Maanta oo ay Xukuumadiisu Sadex sanno Jirsanayso ay ka badan tahay Afartan Wasiir,Wasiirul Dawle iyo Wasiir ku Xigeen,Kuwaas oo aanay Qaarkood lahayn Xafiisyo ay u Shaqo Tagaan balse Magac u yaal iyo Shakhsiyaad lagu Raali gelinayo.

Dadka Siyaasada rog rogaa waxay ku doodayaan in tiradaasi ay ka sii badan doonto inta ay maanta tahay Mudo yar Gudahooda isla markaana Xukuumada lagu soo kordhin doono Wasaarado Cusub oo aan loo jaangoyn Waxyaabaha ay Qaranka u qaban doonaan ama baahida Sababtayba ,Waxaa kale oo la sii Hilaadinayaa in Fadhataysiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee Xisbiyada Mucaaridku uu intii hore ka sii siyaadi doono.

Si kastaba ha ahaatee marka la isku soo Minguuriyo Dawladii Tirada Yarayd ee Xukuumada Xisbiga Kulmiye ka dhalatay waxay haatan isu rogtay Dawlad Tiro badan,oo beeluhu hagayaan kuna darsatay Tamar yari.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed