Hal-doorka Nabadda: Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi) Qormada 2aad.
Maadaama oo uu Suldaan Maxamed ahaa wiilka ugu weyn carruurta Suldaan Faarax, waxa ay noqotay in loo caleemo-saaro kaalinta uu aabbihii ka baxay. Waxa lagu soo qaaday diyaarad gaar ah oo Ingiriisku lahaa, waxaana la keenay Berbera oo markii kowaad lagu caleemo-saaray. Waxa uu Suldaan Maxamed yimi Hargeysa, halkaas oo loogu qabtay munaasibad caleemo-saar oo ballaadhan, oo lagu qabtay geed ku yaallay meesha uu hadda yahay Hudheelka Hadhwanaag oo ku yaalla faras-magaalaha Hargeysa. Munaasibaddan waxa ka soo qayb galay dad farabadan oo isaga yimi deegaanno kala geddisan, oo ay ka mid ahaayeen Suldaan C/Laahi Suldaan Diiriye, Suldaan C/Raxmaan Suldaan Diiriye, Xaaji Cabdi-Waraabe, cuqaal iyo hal-door kale oo badan.
Xilliga la caleemo-saaray Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa dalka ka talinayay gumeystaha Ingiriiska, Soomaaliduna ma ay aqoonnin qaabka dawladnimada ee la isku maamulo, kaalinta uu madaxweynuhu maanta ugu jiro bulshadana waxa hayn jiray salaaddiinta oo ahaa awoodda ugu sarreysa ee maamul. Maroorsiga uu Ingiriisku ku weecsaday taladuna waxa uu sababay in ay isku dhacaan salaaddiin badan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Nuur Axmed Ammaan oo Daraawiishta u galay, Suldaan Diiriye Xasan iyo Suldaan Diiriye Garaad oo Sacaaddadiin lagu xidhay markii lagu eedeeyay in ay Daraawiishta xidhiidh qarsoon la leeyihiin iyo Suldaan C/Laahi Suldaan Diiriye oo Xabsiga Mandheera loo taxaabay markii uu hor istaagay waxbarashadii Ingiriiska, waxaana gumeystaha la shaqayn jiray cuqaasha.
Suldaan Maxamed Suldaan Faarax waxa uu ka mid ahaa salaaddiinta ay sida weyn isaga horyimaaddeen Ingiriiska, isaga oo ka tirsanaa xisbigii SNL ee ku guuleystay aqlabiyadda 33kii Xildhibaan ee ku soo baxay doorashadii Ingiriisku dalka ka qabtay. Suldaanku waxa uu ka mid ahaa dadka sida weyn u diiddan joogidda gumeystaha, taasina waxa ay sababtay in loo maleego xadhig, laakiin taasi may suurtogelin waxaanay Suldaanka iyo nin suxufi ah oo la odhan jiray Cali Muuse u tallaabeen dhinaca dhulka Hawdka halkaas oo ay muddo lix bilood gaadhaysa ku maqnaayeen. Ciidamada Ingiriisku iskuma ay dayin soo qabashada iyo in ciidan laga daba-diro Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, waayo waxa uu ahaa nin aqoon u leh shiishka, waxaanu ahaa “sharp shooter” xilligii uu askarta Ingiriiska ku jiray. Iyagoo ka maagay in ay taasi horseeddo halis muggeeda leh. Suldaan Maxamed waxa uu dalka ku soo laabtay markii waanwaan laga dhex sameeyay isaga iyo saraakiishii Ingiriiska ee dalka joogay.
Suldaan Maxamed iyo Shirkii Muqdisho 1948
Kaddib markii uu dhammaaday dagaalkii 2aad ee adduunku sannadkii 1945-tii waxa soo baxay quwado waawayn oo kala ahaa Mareykanka iyo Midawgii Soofiyeeti (Ruushka) oo diiddanaa Gumeysiga waxaana hoos u dhacay awoodihii Ingiriiska iyo Faransiiska oo ahaa dalal gumeysi ku haysatay waddamo badan oo adduunka ku yaalla.. Taasi waxa ay sababtay inay kor u kacaan dhaqdhaqaaqyada gobanimo-doonku.
Ingiriiska oo gacanta ku hayay inta badan dhulka Soomaalidu waxa uu shir aayo-ka-talinta Soomaalida ah ku qabtay Haradigeed 1946-kii waxaana ka soo qayb-galay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Biritan. Natiijada shirkani waxa ay noqotay in Soomaalidu doonto in Talyaaniga loo dhiibo si uu xorriyad u gaadhsiiyo, iyada oo ay madasha af-duubeen ergadii ka timi Gobollada Koonfureed. Taasna Ingiriisku lama dhicin
Mar labaad, iyada oo uu socdo Hal-gankii lagaga soo horjeeday Gumeysiga Ingiriiska ee uu doorka laxaadka leh ka ciyaarayeen madax-dhaqameedka iyo siyaasiintay ka mid ahaayeen Xaaji Faarax Oomaar, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax iyo Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye, dadka ku nool Geeska iyo Bariga Afrikana ahaayeen dad iska war haya, ayaa waxa 1948-kii safar ku tagay magaalada Muqdisho wefti ka socda Gobolladii Soomaalida ee Ingiriisku haystay oo ay tiradoodu gaadhayso konton nin. Weftigaas waxa ka mid ahaa:
Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo u da’yaraa wefdiga,
Xaaji Khaliif Sheekh Xasan,
Warsame Suldaan Madar,
Suldaan Maqtal Daahir,
Mukhtaar Cumar Ugaas,
Sheekh Xasan Yabaroo, Aw Geeddi
Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye,
Xaaji Cabdi-Waraabe iyo rag kale.
Xilliga uu Safarkani dhacay oo ahayd 1948-kii, wakhtigaas waxa shanta Soomaaliyeed intooda badan gacanta ku haysay dawladda Ingiriiska, Kolkii uu Talyaanigu Xayle Salaase ka qabsaday Addis Ababa, waxa uu u soo dhiciyay Ingiriiska. Markii Talyaaniga laga adkaadayna, waxa uu Ingiriisku Xayla Salaase oo ahaa Boqorkii Itoobiya u celiyay dhulkii uu Talyaanigu ka qabsaday, gaar ahaanna inta ka baallaysa ama ka shishaysa ee dhinaca Galbeed ka xigta magaalada Diridhaba ee ay ugu sokeyso Dooxada Hawaas, NFD-na ( Northern Frontier Districts) iyo Nairobi oo Kenya ahna Ingiriis ayaa fadhiyay, Xamarna Ingiriis ayaa haystay, Dhulkii Soomaalida ee Ingiriisku haysan jiray ee British Somaliland-na Ingiriis ayuu gacanta ugu jiray, Jabbuti oo uu talo ku lahaa maaha’e Afarta Soomaaliyeed ee kaleba Ingiriis ayaa gacanta ku hayay, kolkaas waxa uu Ingiriisku damcay in uu dhammaan Soomaalida mid ka dhigo, oo uu isagu inna tilmaamo, macallin-na inoo noqdo, shirkaas uu Ingiriisku qabtay waxa lagu qabtay Dig, dadka shirka ka qayb galayna waxa ay isugu yimaaddeen Dig, dadkii halkaa ku shirayay waxa ay is tuseen isna tusaaleeyeen in aanu Ingiriisku sii dayn doonin, xorriyadna siin doonin Soomaalida, haddii uu Ingiriisku gacanta ku wada dhigo Soomaalida.La soco qormada saddexaad haddii Alle idmo…… Haddii aad hayso xog ku saabsan Suldaan Maxamed Faarax ku soo hagaaji
Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA)
Facebook: Saeed Mohamoud Gahair