|

Hal-doorka Nabadda: Suldaan Maxamed Suldaan Faarax W/Q Siciid Gahayr (Hargeysaawi) Qaybta 3aad

Ingiriisku waxa uu sameeyay urur loo yaqaannay SYL oo ka koobnaa 13 nin, oo idilkood geeriyooday, waxaanu ku yidhi “SYL-eey walaalo ayaad tihiin, ee Soomaalida midnimadeeda raacdeeya”, rag badan ayaa diiday oo ka soo horjeestay in wada shaqayn lala yeesho SYL, raggaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Cabdiraxmaan, Xaaji Cali Yoonis, Qaadi Ibraahin, iyagoo raggaasi ku doodeen in aanay isku dhaqan ahayn SYL iyo Bulshada British Somaliland.

Calanka Soomaaliya waxa laga taagay hoyga Xaaji Khaliif Sheekh Xasan, waxaana keenay Aadan Cabdulle Cismaan. In la dejiyo calanka Soomaaliya ee buluugga ah waxa diiday Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye oo yidhi “La dejin maayo Calankaa Soomaaliyeed ee Buluugga ah, ee nabadda wada”.

 

Soo dhawaynta Calanka Soomaaliyeedna waxa uu Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye u qalay geel, kursina wuu ugu soo fadhiistay, Calankana waxa laga taagay halka ay hadda ku yaallaan Masjidul-Jaamica weyn iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, Suldaan Cabdilaahi, Xaaji Cabdi-Waraabe iyo dadka kale ee taageersanaa calanka Soomaaliduna waxa ay calanka ku daawanayeen oo ay soo fadhiisteen ka soo horjeedka Masjidul-Jaamica iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa oo uu hadda ka dhisan yahay aqal fooq ahi, xilliga calanka Soomaaliya laga taagay Hargeysa, beelaha Somaliland, gaar ahaana Beelaha Hargeysa wada degaa iskuma ay raacsanayn in calankaas laga taago Hargeysa, waxaanay ku doodayeen in aanay reer Hargeysa iyo Soomaalida Talyaanigu haystaa aanay isku dhaqan ahayn, laakiin aan sida aan soo xusnay waxa calanka Soomaalida aqalkiisa u furay, oo aqalkiisa korkiisa laga taagay Xaaji Khaliif Sheekh Xasan, sidaas ayaana lagu soo dhaweeyay calanka Soomaaliya.

 

Iyada oo ay sidaas tahay, ayuu Ingiriisku damcay in uu shir u qabto Soomaalida, shirkaas oo lagu qabanayay magaalada Muqdisho waxa la qoondeeyay wefdi la diro, oo ka soo qaybgala shirka Soomaalida ee ka dhacaya Muqdisho, oo wakiil ka noqda gobollada Woqooyi, dadkii reer Hargeysa iskuma ay wada raacin in laga qayb galo shirkaas, oo badh ka mid ah ayaa diiday in shirkaas laga qayb galo, halka ay qaar kalena ka oggolaayeen in madasha shirka shirka la tago, lagana qayb galo.

Shirkaas waxa qaadacay in ay ka qayb galaan rag farabadan oo hal-door ah, kana soo jeeda beesha  Sacad Muuse ee Galbeedka Hargeysa oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye Garaad, Qaaddi Ibraahin Sheekh Madar, Xaaji Cali Yoonis, Xaaji Maxamuud Cumar-Xaashi, Xawaadle Xaaji Madar iyo rag fara badan oo kale, raggan hal-doorka ah ee diiday in ay ka qayb galaan shirka Muqdisho ka dhacayay, waxa ay sidii aynu horeba u xusnay ku doodeen in aanay isku dhaqan ahayn ururka SYL ee uu Ingiriisku qabanqaabiyey iyo Soomaalida Woqooyiga degtaa, sidaas daraadeedna aanay ka qayb galaynin shirkaas. Taas waxaynu ku fasiri karnaa in ay beelahaasi lahaayeen aragti ka fog beelaha kale ee shirka xaadiray.

 

Shirkaas waxa oggolaaday in ay ka qayb galaan rag door ah oo ka soo kala jeeda beelaha Arab iyo Garaxajis, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Warsame Suldaan Madar oo markaa Suldaanimo ku shaqayn jiray, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye iyo Xaaji Cabdi-Waraabe iyo ragkale oo gaadhaya konton nin. Waxa sidoo kale shirkaas ka soo qayb galay ergo iyo wufuud ka socota Afar dawladood.

 

Markii uu wefdigaasi ku sugnaa magaalada Muqdisho dhawr cisho, ayaa waxa la dilay gabadhii ku caan baday halgankii lagaga soo horejeeday Gumeystaha Talyaaniga ee Xaawo-Taako, waxa sidoo kale la laayay dad badan oo caddaan ah, wefdigii Hargeysa ka tegayna waxa uu ku mashquulay ergeynta, qaboojinta iyo dejinta xiisadda ka aloosantay magaalada Muqdisho ee sababtay dhimashada.

 

Soomaalida uu Talyaanigu xukumayay ee loogu tegay Muqdisho waxa ay ahaayeen xilliga uu shirkani dhacayo qaar kala qaybsan, oo beel beel u kala fadhiya, Tusaale ahaan waxa gaar u fadhiyay beelaha Digil iyo Midhifle ee dega gobalada Baay, Bakool iyo qaybo ka mid ah gobollada kale Soomaaliya, waxaana isu soo dhawayntooda ka qaybqaatay, kuna qanciyay in ay midoobaan inta ay xoriyaddooda qaadanayaan, qaar ka mid ah weftigii ka tegay Hargeysa, gaar ahaan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye.

Shirkan waxa ka soo qaybgalay rag farabadan oo ay ka mid ahaayeen Garaad Maqtal Daahir oo ka yimi Carriga Ogaadeeniya, Mukhtaar Cumar Ugaas, Sheekh Cali-Jawhar, Sheekh Cali-Suufi, Sheekh Khaliif, Sheekh Xasan Yabarahe, waxa kale oo ka mid ahaa niman tijaar ah oo ka yimi Harar iyo Diridhabe, iyo dad badan oo madax ah oo kale. Dhammaan ergooyinkii kala geddisnaa waxay isku raaceen in Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye oo sheegan jiray “Suldaankii Afrika” laga dhigo Guddoomiyaha shirka, ergooyinku waxa ay Suldaan Cabdilaahi u aqoonsadeen “Suldaan Soomaaliyeed”.

 

Shirki markii la gudogalay waxa uu Ingiriisku ergadii shirka ka soo qaybgashay kala doorransiiyay afartii dawladood ee ka soo qayb galay shirka, isaga oo uu Ingiriisku tilmaamay, in ay Soomaalida macallin u noqon doonto mid ka mid ah afartaas dawladood ee shirka ka soo qaybgalay, waxa uu intaas Ingiriisku raaciyay in la isku dari doono, lana midayn doono Shanta Soomaaliyeed, waqtigaas waxa uu Ingiriisku in jeclaa in isaga laga dhigo dawladda macallinka u noqon doonta Soomaalida.

 

Laakiin Suldaan Cabdilaahi oo guddoomiyaha shirka ahaa, Ingiriiskana aad u necbaa ayaa ku yidhi “Haddii aynu hadda dawladnideenna Ingiriiska u dhiibanno, mar dhaw ka qaadan kari mayno, ee yaynaan u dhiiban”. Ergadii ka socotay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya ee ay ka mid ahaayeen Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan-Cadde” iyo Cabdilaahi Ciise-na waxa ay sheegeen in aanay af aqoonnin, oo aanay garanayn sida loola dhaqmo dawladaha kale, marka laga reebo Talyaaniga, waxaanay soo jeediyeen in dawladda Talyaaniga laga dhigo macallinka Soomaalida. Ergadii shirka ka soo qayb gashay waxa ay isla garteen in ay ugu daran tahay in la kala tago iyada oo aan wax go’aan ah la gaadhin,waxaanay dhammaantood isla garteen in Talyaaniga laga dhigo macallinka Soomaalida, lana raaco talada ay soo jeediyeen Suldaan Cabdilaahi iyo ergada ka socota Koonfur. Ninka u ololaynayay in Soomaalidu isu timaaddaa, waxa uu ahaa Wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska, kana tirsanaa Xisbiga Shaqaalaha, laakiin Ingiriisku aad ayuu u dhibsaday go’aammada ka soo baxay shirkaas ka dhacay Muqdisho.

 

Markii shirki dhammaaday, waxa uu Ingiriisku ergooyinkii shirka ka soo qayb galay ku kala celiyay Gobolladii ay ka kala yimaaddeen, Kuwii Itoobiya ka yimi Itoobiya ayuu ku celiyay. Ingiriisku waxa uu xilligaas siiyay Itoobiya dhulka loo yaqaanno “Reserved Area” waana xilligii la sameeyay xadkan u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee mara Ina Guuxaa, Ballidhiig, Wajaale, Xariirad IWM. Ergooyinkii ka yimi Kenya-na waxa uu Ingiriisku ku celiyay Kenya, ergooyinkii ka tegay Hargeysana waxa uu Ingiriisku ku soo celiyay Hargeysa.  Natiijada shirkani ma ay noqon mid la mahadiyo, waxaanay dadkii metelayay Somaliland sheegeen in la hafiyay sidaasna go’aankani ku soo baxay.

 

La soco qormada afraad haddii Alle idmo…… Haddii aad hayso xog ku saabsan Suldaan Maxamed Faarax ku soo hagaaji

 

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Akadamiga Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista (ERA) 

saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Saeed Mohamoud Gahair

Comments are closed