Hal aan ka idhi buugga Rejadii rumowday. = W/Q: Khaalid Maxamed Cabdi
Xogta buugga:
Ciwaanka: Rejadii rumowday.
Qoraaga: Ubax Siciid Cabdille.
Soosaarid: Sagaljet, Hargeysa, Soomaalilaan.
ISBN: 978-91-88133-11-3
Inta bog: 213
Sannadka: 2015
Hordhac.
Mahad dhamaanteed waxa iska leh Eebbe, ilaahbaa wayn, Eebbaha inoogu deeqay nimcada amaanka iyo nabad galyada, ina siiyay garaadka iyo garashada aynu ku kala soocno saxa iyo khaladka, garta iyo gardarrada, runta iyo beenta, samaanta iyo xumaanta. Eebbaha ina garadsiiyay wax aynaan garanayn, inagu galladay wax aynaan tirin karayn, Eebbow mahad dhamaanteed adiga ayay kuu sugnaatay. Intaa ka dib.
Waxa gacantayda soo galay buugga Rejadii rumowday oo ay qortay Ubax Siciid Cabdille, ka dib akhrintii iyo rogrogiddii dhiganahan waxa ila cuddoonaatay in aan bulshadana la wadaago wixii iiga soo baxay iyo waxa ku gudo jiraba.
Marka koowaad waxa aan bogaadin iyo hambalyo u dirayaa qoraaga buugga Ubax Siciid oo ku dhiirratay in ay bulshada dhaxal u reebto lana wadaagto dhaxalkaasi isaga oo dhigaal ah. Waa amaan uu mudan yahay xaqna uu u leeyahay qof kasta oo bulshadiisa wax ku soo kordhiya, si gaar ah waa bogaadin uu mudanyahay qof kasta oo kaydka buugaagta soomaalida ku soo dara dhigane ku xardhan Af Soomaali, si gaar ah waxa aan u leeyahay baahida loo qabo in afka Hooyo wax lagu qoro, bulshada lagula hadlo isla jeerkaana la soo nooleeyo, waxa aan kugu dhiirrinayaa in aad qalinkaaga uga faaidayso bulshada, hayaankaa halkaa ka sii wad, taariikhduna way ku xusi.
“Ninkii tiin tallaaliyo
Ninkii timir abuuraba
Taariikhdu way werin.”
Abwaan: Cabdiqaadir Xirsi Siyaad “Yamyam”
Magaca iyo Muuqaalka buugga:
Buugga Rejadii rumowday jaldigiisu waa madaw; ayna ku xardhan yihiin qoraallo midabo leh, una badan midabka cad. Marka ugu horaysa ee aad aragto waxa ay ishaadu qabanaysaa sawirka madaxwaynaha qaranka jamhuuriyadda Soomaalilaan Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Halka ugu sarraysa jaldiga hore ee buugga waxa ku xardhan magaca buugga “REJADII RUMOWDAY” oo ku qoran far midabkedu caddaan yahay, waxa ka hooseeya oo ku lifaaqan isla magaca buugga weedh kale oo ah “HIMILADII HALYAYGA.” Dhinaca bidix ee sawirka madaxwaynaha waxa ku qoran hadal uu yidhi madaxwaynuhu khudbadii uu ka jeediyay munaasabaddii 18kii May 2015 oo ahaa “samirka iyo dulqaadka waxaan u aqaana sahayda siyaasiga suuban” kuna dhex taalla goob midabkeedu caddaan yahay oo ka duwan jaldiga intiisa kale. Koonaha u hooseeya ee midigna waxa ku qoran magaca qoraaga buugga “UBAX SICIID CABDILE” oo sidaa u qoran. Xaga danbe ee buugga waxa ku qoran magaca buugga iyo magaca qoraha oo midab cas ah. Dhabarka buuggana waxa ku yaala qoraal uu ciwaan u yahay “MAXAA LAGA YIDHI” waxa ku xardhan aragtida afar qof oo ka mid ah dadka buugga soo akhriyay, halka u hoosaysana waxa ku sawiran astaanta shirkadda daabacday oo ah Sagaljet iyo tirsiga buugga ISBN.
Obocda buugga:
Buuggan Rejadii rumawday waxa uu ka kooban yahay 213 bog oo ay ku qoranyihiin 26 mawduuc amaba 26 qoraal; waxa aan sidaa u leeyahay buuggan oo aan lahayn cutubyo kala xadeeya qoraallada buugga ku duugan balse kaliya leh ciwaanno horaadyo qoraallada ah. Waxa uu buugani ka hadlayaa wax qabadkii shanta sano ee uu xilka hayay xisbiga Kulmiye ee uu hormuudka u yahay madaxwayne Axmed. Marka laga yimaado qoraallada hore ee ah tusmada, hal ku dhigga buugga, gogoldhigga, mahad celinta, afeefta qoraaga, hibaynta iyo taariikhda madaxwaynaha waxa uu buugani ka kooban yahay 20 mawduuc oo kala ah: (Dhismaha waddada Ceerigaabo, waxbarashadii bilaashka laga dhigay, samaynta derajooyinkii ciidanka qaranka Soomaalilaan, furashadii ururrada siyaasadda, soo noolaynta maalinta qaranimada Somaliland ee 18ka may, dhismayaasha hay’adaha dawladda, furitaanka idaacadda Quraanka kariimka ah, bedelka lacagtii giinbaarta ee gobolada barri, daryeelka danyarta iyo naafada, dhismaha waddooyinka iyo buundooyinka, macdanta iyo biyaha, wada hadalladii Soomaalilaan iyo Soomaaliya, amniga iyo dhisitaanka ciidamada kala duwan, hayada maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuq maasuqa, dhismayaasha madaarrada dalka, samaynta kaadhka dhalashada Soomaalilaan, socdaaladii dibada khudbadihii uu ka jeediyay, doorkii ay ka qaadatay horumarka dalka marwo Aamina-weris, dareen celinta dadkii soo akhriyay iyo raadraaca buugga.) 14 ka mid ah qormooyinkaa waxa qoray dhallinyaro waana maqaallo ay ku darsadeen buugga, halka 4 ka mid ah aan lagu xusin cidda qortay sida loogu xusay qormooyinkaa kale dhallinyarada qortay bilawga qormada, waa afarta qormo ee kala ah (soo noolaynta maalinta qaranimada Somaliland ee 18 may, dhismayaasha hay’adaha dawladda, daryeelka danyarta iyo naafada iyo qormada kale ee laga diyaariyay doorkii ay ka qaadatay horumarka dalka marwo Aamina-weris.) waxa ay taasi ka dhigantahay in afartaa qormo ay qortay qoraaga buugga Ubax Siciid, 2da mawduuc ee hadhsan waa (dareen celinta dadkii soo akhriyay iyo raadraac.) hadaba labaatankan qoraal lix iyo tobanka hore waa qoraallo ka hadlaya aadna ugu nuux-nuuxsanaya mawduuca uu buuggu xambaarsanyahay oo ah wax qabadkii xukuumadda shantii sano ee la soo dhaafay. Sida ku xusan afeefta qoraagana waa intii ugu mudnayd ama ugu tunka waynayd. Dhaliisha ay doonaanna ha lahaadaan e waa wax qabsoomay oo qormay, waana mucda dhiganahan iyo weedha uu inoo xambaarsanyahay, waa qormooyin mudan in uu wax ka ogaado muwaadinku si uu wax uun ugala socdo xaaladda dalka, waana aan kugula talinayaa in aad akhrido buugga.
Intaa marka aad I la garato akhriste waxa jira afar su’aalood oo uu ku bilawmayo buuggu oo ah.
- Maxaa ka qabsoomay qodobadii ku qornaa buuggii cagaarnaa ee kulmiye ololaha ku galay?
- Maxaa ka dhaboobay balan qaad kii xisbiga Kulmiye shan sano ka dib?
- Ma oofiyay axdigii uu shacbiga Soomaalilaan la galay madaxwayne Axmed-siilaanyo shan sano ka dib?
- Maxaa lagu xusuustaa shan sano oo uu madaxwayne Axmed-siilaanyo hogaanka dalka hayay?
Waxa ay tidhi qoraaga buuggu “Su’aalahan waxa ka jawaabaya buugga Rejadii rumowday.” Aragti ahaan markii aan akhriyay buuggan ma qabo in uu ka jawaabayo su’aalaha aan se kala qaado. Labada su’aalood ee hore kama jawaabayo si toos ah buuggu, lamana odhan karo buugga ayaa ka jawaabay, waxa se khasab ah si looga jawaabo labadaa su’aalood in lala akhriyo buuggii cagaarnaa ee xisbiga Kulmiye ololaha ku galay, markaa ka dib ayaa la ogaanayaa wixii ka qabsoomay, wixii ka qabyoobay iyo wixii ka dhaboobay qodobadii ku qornaa buuggii cagaarnaa iyo balan qaadyadii; inkasta oo aan buuggan Rejedii rumawday oo kali ah lagu koobnaan Karin si dhab ahaan looga jawaabo labadaa su’aalood.
Su’aasha sadexaad waxa furfuraaya labadaa su’aalood ee hore lagamana jawaabi karo haddii aan laga jawaabin labadaa su’aalood ee hore, waxa aan sidaa u leeyahay madaxwayne Axmed-siilaanyo waxa uu ahaa ergay uu soo dirsaday xisbiga Kulmiye si uu u oofiyo waxaa uu balan qaaday buugga xisbigu, intaa waxa raaca axdiyadii iyo balan qaadyadii kale ee qawl iyo qoraalba ahaa ee uu la galay shacbiga. Markaasi ayaa daacadnimo looga jawaabi karaa waydiintaa.
War celinta waydiinta u danbaysa lafteeda buuggu kama jawaabayo; jawaabtuna waxa aanay ka maarmayn in dib loo raaco shantii sano ee uu madaxwaynuhu xilka hayay, waxa aanay ka maarmayn in dhacdo dhacdo loo dul istaago, la eego dhacdooyinkii tabnaa iyo kuwii tognaaba, la eego guul iyo guul darroba, la gorfeeyo khalad iyo saxba, haddii aynnu se is nidhaahno waxa lagu xusuusanayaa kali ah inta wax qabad ee dhiganahan ku qoran miisaanku docbuu jiraa. Mana noqonayaan jawaabta saxda ah ee su’aashan; waa ay se noqon karaan jawaab haddii labada indhood mid la is tiro.
Qiimayn:
Buuggani guud ahaan waxa uu kulmiyay dhallinyaro xogo badan oo ay soo ururiyeen itaalkoodii ka qoray, qofba waxa uu qoray mawduuc kaasi oo uu dhinacyo badan ka istaagay, farta qoraalka waa mid qurxoon, jaldigu waxa uu leeyahay raandhiis aad u fiican. Haddii aad akhridona wax badan waa aad ka baran oo xogo iyo qiimayno ah.
Haddii aad xusuusato sheekadii Cigaal shiidaad iyo kurtinka, wax ay cigaal is hor taagnaadaan habeenkii oo dhan kurtinkii uu bahalka u haystay, markii waagu cadaaday ee uu xaqiiqsaday in uu kurtin yahay waxa uu yidhi “kurtinyahaw ma waxa aan ku mooday? Ma waxa aad noqotay? Mise waxa aan loo noqon doonin.” Halkaas ayaan taaganahay oo waxa aan leeyahay: buugyahaw ma waxa aan ku mooday? Ma waxa aad noqotay? Mise waxa aan loo noqon doonin. Waxa aan ku mooday buug ka warramaya sooyaalkii Axmed-siilaanyo, waxa aad noqotay buug ka warramaya wax qabad xisbi iyo shaqadii qaranku u igmaday ciddii uu doortay iyo ciddii ay soo dooratay, waxa aan loo noqon doonin dhalaal guudka ah, laac iyo laan qurxoon yada oo aan laagta la iska eegin.
Qoraalkan kooban oo aan si guudmara ugu eegayay buuggan Rejedii rumawday, markii aan isu eegay buuggan magaciisa iyo waxa ku gudo jira, waxa aan ku qiimeeyay buug aan is lahayn. Waxa aan sidaa u leeyahay markii aan akhristay magaca buugga ee ah “Rejedii rumawday, Himiladii halyayga” arkayna humaaga qurxoon ee madaxwaynaha ee guudkaaga ku yaalla waxa aan filaayay in buuggu yahay buug ka hadlaya sooyaalkii iyo rejooyinkii faraha badnaa ee madaxwaynaha u rumoobay noloshiisii, laftaadu in aad filaysona waa suura gal e, waxa aan se la kulmay buugga 213ka bog in uu laba mawduuc ku leeyahay oo si dhab ah uga hadlaya Axmed iyo sooyaalkiisii waa: taariikhda madaxwaynaha iyo socdaaladii dibada khudbadihii uu ka jeediyay. Marka la isu geeyo waxa ay noqonayaan 23 bog. Waxa aad is waydiinaysaa sow ma aha 213bog mar haddii uu qofka laga qoray kuna sawiran 23bog ku leeyahay inta kale yaa leh? Waxa aan filaayay in buuggu ka hadlayo wakhtigii uu dhashay madaxwayne Axmed ee ku beegnayd 1936kii ilaa maanta oo la joogo 2015ka wixii u rumoobay himilooyinkiisii iyo rajooyinkiisii. Ma filaysaa adigu akhriste? Waxa aan filaayay in wax badan laga dheefi karo oo ah sooyaalkii siyaasadeed ee Axmed; laga soo bilaabo 1965 oo uu noqday agaasimaha wasaaradda qorshaynta ilaa maanta oo uu madaxwayne yahay, waxa aan se ugu tagay sooyaal iyo taariikh inteeda badan ku koobantahay 2010 ilaa 2015ka. Waxa aan markaa is waydiiyay:
Halyayga buugga laga qoray ma Axmed baa? mise waa halyay kale? Himiladii madaxwaynuhu ma shantaa sano ayay ku koobnayd? Buuggani dhab ahaan ma ka hadlayaa qof sida buugaagta kale ee ashkhaasta laga qoray madax iyo minjoba? Ma ka warramayaa sooyaal bar bilaw leh bar dhamaadna leh? Rejada rumawday ma madaxwayne nimadaa? Mise waa rejo kale? Haddii aanan aqoon Axmed ma i barayaa? Intii aanan soo gaadhin sooyaalkii wadaadka ma ka dheefsanayaa buuggan? Xitaa haddii la yidhaado shan sano oo kali ah ma koobay mana dul istaagay? Haddii uu ka hadlayo wixii ka qabsoomay balanqaadyadii buuggii cagaarnaa maxaa astaanta Kulmiye loogu dhigi waayay sidii kii cagaarnaa? Wixii dhaliil ah wax qabadyadaa ma Siilaanyo oo haragga sare ku sawiran ayaa leh mise Kulmiye oo obocda ah? Haddiiba uu qabtay Siilaanyo ma ku amaanan yahay mise waa waajibkiisii oo uu gutay? Maxaa isa seeggan ee hadana isku sidkan?!!!
Gabagabo:
Waxaa wali furran in Axmed Maxamed Maxamuud wax laga qoro, xogo badan laga reebo, sooyaalkiisii dheeraa laga waraysto, si looga faaidaysto khibradda iyo waayo aragnimadda faraha badan ee ku duugan, si casharro looga barto wixii uu soo maray, waana aan ku dhiirrinayaa dhallinyarada in Axmed iyo aynigiiba dhaxal laga reebo.
Buuggani waxa uu dhallin doonaa fal celinno badan, mar haddii uu yahay buug ka warramaya guulo xisbi, waxa ka dhallan doona gorfayno badan mar haddii uu noqday buug siyaasadeed waliba ka waramaya wakhti laa taaganyahay. Waynu se u joognaa.
Waxa aan ku soo af meerayaa baydad ka mid ah maansadii Tudhaal ee hal-abuur Xasan Dhuxul.
“Dhaliishu nimaanay toosin,
Tilmaantana eed u haysta,
Taxliil sheekh kuma daweeyo.”
Mahadsanidiin.
Qore : Khaalid Maxamed Cabdi.
Email : khaalid.mc@gmail.com
Hargeysa, Soomaalilaan.