|

Hadimada dhaqamada reer galbeedka

Waxaaan marnaba insha laga qarsan  Karin sida uu dhaqanka reer galbeedku u saameeyay dunida islaamka xag dhaqaale,xag siyaasadeed iyo xag cilmi nafsiyeedba ( physiology) umada islaamkuna ay iska qaadatay iyagoon u fiirsan mabda’yada iyo dhaqamada khaldan ee reer galbeedka taasoo ay sababtay ka dib xadaaradii iyo quwadii intabadan dunida hogaaminaysay ee islaamka oo hoos u dhacday, halka bedelkeeda ay soo if baxday noqotayna kaalin qaad awooda iyo xadaarada ay reer galbeedku yeesheen kuna laylyeen aduunka mabaadiidooda.

Marka laga yimaado wax yaabaha waaweyn ee laga xusi karo dhaqamada reer galbeedka ee ku faafaya dunida islaamka, kuwooda ugu yar-yari waa tirsiga maalmaha iyo sanadka,labiska ama xidhashada dharka,xiirimaadka timaha qaabkooda,iwm. Wax yaabahaasoo si aan la dareemayn ugu fiday dunida islaamka noqdayna kuwa ka mida dhaqanka badi bulshada islaamka saameelana hab nololeedkooda aduunyo.

Side ayuu u soogalay dhaqanka reer galbeedku dunida islaamka?

Si ay mabaadiidooda u faafiyaan ugana dhigaan kuwa caalamka ugu fiican meelkastana laga adeegsado waxay cilmi baadhis qoto dheer ku sameeyeen meelaha ugu macquulsan una nugul ee ay mabda’yadooda dhexmarin karaan si ay ugu gudbin karaan bushada islaamka, hababka ay intabadan u adeegsadeen si ay dhaqanadooda ama mabaadiidooda u fidiyaan waxaa ka mida ahaa casriyaynta (modernity),fikirkaasoo dunida islaamku ku kala qabsanayd taas oo qaar ka mida ahi diideen halka kuwo kalena taageereen, ilaha ay kufidiyaan mabda’yadooda waxa ka mida: tiknoolajiyada, baahiyayaasha la daawdo ama war fidiyeenada la akhristo, luqadaha,daabacaada manhajyda wax barasho ee dugsiyada,dhaqaalaha iyo nidaamka xukunka dawladnimo sida mabda’a (democracy ). Dhamaan fikiradaasuna waxay dunida islaamku iska qaateen iyagoon eegin cawaaqibkooda danbe, ugu danbayna waxay ku dhex milmeen dhaqankoodii iyo noloshoodii ay asal ahaan lahaayeen.

Somaliland saamayn nooceeya ayuu kuyeeshay?

Markala  eego is bedelka dhaqanka ee ku yimi Somaliland asal dhaqankeedu wuxuu ahaa mid xidhiidhsan isna daba taxan min miyi ilaa magaalo kana soo unkamay hide iyo dhaqan ahaa dhaxal awoowe oo haboon,

Hadaba marka la eego casrigan waxyaabaha la xusi karo ee dhaqanka reergal beedku Somaliland keenay

Waxa ka mida: qaabka xidhashada hu’ga ama hub qaadka ,qaabka jarida timaha,aaminaada fikradaha (gender balance),meelaha ay faragalinta ba’an ku hayaan Somaliland reer galbeedku waa gacan ku haynta daabacaada manhajka wax barashada dugsiyada Somaliland,sharciga xeerarka maxkamadaha , ururada bulshada iyo luqada, waxaana cadayn kuugu filan xaga luqad ahaaneed boodhadhka meheradaha hargaysa inta ugu badan waxay ku qoran yihiin ingriisi (English) iyo wax yaabo kale oo iyana dhaqankeena ku milmay.

Gunaanad

Gabagabadii waxaan qoraalkayga ku dhabaadayn lahaa laba qodoboo ah

  1. Dunida islaamku iyo dawladaheedu maaha inay ahaadaan kuwa lagu tijaabiyo fikrada cidi leedahay kana ahaadaan daawadayaal cawaaqibka wax yaabaha dunida kadhacaaya, ee waa inay ahaadaan kuwa awoodooda adeegsada fikiradoodana iyagu tijaabiyo halkii ay kuwo kale oo ayna garanayn xambaarsanaan lahaayeen waana inay hour mariyaan dhaqaalahooda,siyaasadooda dibada iyo inay raacdeeyaan asal aahaan dhaqamadooda taasina waxay abuuraysaa inay iska laalaan dhaqamada soo galootiga ah kana hor yimaadaan mabaadiida reer galbeedka.
  2. Waa in la xoojiyaa korna loo qaadaa goobaha lagu barto qur’aanka kariimka ah iyo culuumta kale ee islaamka sidoo kale waa in dawlad kastoo islaami gacanta ku qabataa dabaacada manhajkeeda iyo nidaamka xukunkeeda, dunida islaamku waa inay sameeyaan daah furo cusuba ma ikhtiraacaad tiknoolajiyadeed (technology)oo lana tartanta tan reergalbeedka.

Axmed cabdi cismaan

Gamdaan@hotmai.com

Ahmedshaawi@gmail.com

Comments are closed