Hadii uu Joogo Hargaysa,muqdisho iyo ksimaayo Waa Geesi,Wuxuuna Geesi ku Yahay Taariikhada umada Somaliyeeda…….
Hargeisa/1 july 2014 (SDN/QJ)-Madaxwaynaha Dawlada Somaliya oo Xalay khubad Ka jeediyay Xaflad Lagu Xuseyay 54guuradii Ka soo Wareegtay markii Gobolada Koofureed iyo kuwa Waqooyi xoriyadooda Ka qaateen Gumaytihii Taliyaaniga Ee Midogii Koofurta Somaliya iyo Goboladii Waqooyiga SOMALILAND, oo ku began 1 Juley 19960kiii
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa khubadiisan hambalyo ugu diray dhamaan Bulsho Waynta Somaliyeed Meelkasta oo ay joogto waxnau yidhi “Waxa sharaf wayn inoo ah inaan halkan kagag dabaaldegno caawa,taasi oo aan ugu dabaaldegayno maalinta qiimaha leh ee dhamaan umada somaliyed Meelkasta oo ay joogaan,Tuntii kowda Juley Waa Maalin gabi ahaan isbedel wayn ku samaysay taariikhada Somaliyeed,in aan idinla xusno malaintan qiimo badan ayay noo leedahay,waxayna iigu abuuraysaa Faraxd iyo raynrayn aan la soo koobi Karin” ayuu yidhi Madaxwaynaha Dawlada Federalka Somaliya Md Xasan Sheekh maxamuud.
Waxanu intaasi raaciyay “halkan soomaynaan gaadhi lahayn maanta ,hadii wiilashii iyo gabdhiii somaliyeed ee geeshiyaasha ahaa aanay dhiigooda maalkooda iyo naftooda u hurin Xoriyada umada Somaliyeed Maanta haysato”Md Xasan Sheekh
Madaxwaynaha Dawlada Federalka Somaliya Md Xasan Sheekh Waxa uu sheegay in geed iyo dheer iyo mid gaabanba ay u fuuli doonaan sidii loo adkayn lahaa midnimada Somalida iyo wadda jirkeeda,cadowgii Laga xoreeyay 54sano kahor wuxuu ahaa gumayste ajanabi ah ayuu sheegay Madaxwaynah Somaliya.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Taarikh ahaan ummaddeenna waxaa lagu yaqaanaa geesinimo, kuwa u dagaallamayo nabada waa geesiyaal, kuwa inay carruurtooda helaan nolol wanaagsan si ay wax u bartaan waa geesiyaal, dhakhaatiirteenna iyo kalkaliyayaasha maalin iyo habeen u taagan badbaadinta dadkeena waa geesiyaal, macallimiinteenna u taagan inay wax baraan ubadkeenna si ay u helaan mustaqbal wanaagsan oo ay inagu bedeli karaan waa geesiyayaal, haddii uu joogo Hargeysa, Kismaayo, Baydhabo ama Muqdisho waa geesi, wuxuuna geesi u yahay taariikda, dadka Soomaaliyeedna way ku tashanayaan geesinimadaada.” Ayuu yidhi Xasan Sheekh maxamuu
Xuskan Kowda julaay ayaa Ah Maalintii ay gobolada koonufeerd xoriyadooda ka qaateen gumaystihii Talyaaliga ,iyadoo geesta kalena tahay maalin mugdi ah oo ay midoobeen Labadii dawladood ee Xoriyadooda Ka Kala qaatay Ingiriiska iyo Taliyaaniga Ee Somaliland iyo Somaliya.