‘’Hadii Somaliland Danbiile ay Leedahay Danbiilaha Kowaad ee In Maxkamad La Soo Taago Mudani Waa Axmed Siilaanyo,Aniguna Intaan Noolahay Nidar ayaan Ku Galay…’’ Ambassador Cawil Cali Ducaale DAAWO
Hargaysa 09. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda ee Dawladii Daahir Rayaale haatana ah La taliyaha Gaarka ah ee Madaxweyne Siilaanyo ee Aqoonsi raadinta iyo Wada hadalada Somaliland iyo Somalia Ambassador Cawil Cali Ducaale ayaa ahaa Shakhsi ka soo hor Jeeda Siyaasadda Hogaamiyaha haatan ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.
Waxa uu ku eedeeyay inuu Mas’uul ka ahaa Dilal Qorshaysan oo laga dhex Fuliyey Ururkii SNM ee uu Madaxweyne Siilaanyo Hogaaminayay Isla Markaana uu hor istaagay in Baadhitaan lagu Sameeyo qaabkii dilalkaasi u dhaceen.
Mulaaxaha hadalka duuba ayaa Kaydkan Maguuraanka ah laga helay Isagoo Wakhtigaas Ambassador Cawil Cali Ducaale ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee Ugu Cimriga dheeraa.