|

Hadii Somaliland ay U Ogolaato Prof Bulxan inuu Muxaadiro uu Ku Iibgaynayo Somaliland uu Muqdisho ka soo Jeediyo,Sax Ma Noqonaysaa in Aqoon Yahanka Somalia ay Hargaysa u Yimaadaan Sidii ay Aragtidooda u dhiibi lahaayeen DAAWO

Hargaysa 04. May 2017 (SDN/QJ):-Dr.Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya u tagaayo sidii uu ugu soo bandhigi lahaa muxaadarooyin ku saabsan qadiyada Somaliland iyo waxyaabaha ka qaldamay midnimadii ay Somaliland dib uga laabatay.

Waxa uu Dr.Xuseen Bulxan daboolka ka qaaday in kulan ay dhawaan ku yeesheen ururada bulahsada ee Somaliland iyo Somaliya uu kula qaatay kooxdii ka timid Somaliya inuu khudbad ku saabsan Somaliland arimaheeda uu u jeediyo ururada bushada iyo aqoonyahanka reer Muqdisho.

Haddii dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ay Prof. Bulxan u ogolaadaan in uu Muqdisho ka jeediyo dood sharraxaysa saxnimada go’itaanka Somaliland iyo in uu khudbado arrintaas la xidhiidha u jeediyo…

Miyaanay sax noqon doonin in sidaas oo kale loo ogolaado aqoonyahanka iyo wax-garadka Soomaaliya ee iyaguna doonaya in ay difaacaan aragtidooda midnimo doonka ah, in ay Somaliland yimaaddaan oo ay doodo iyo khudbado arrintaas la xidhiidha ay galaan.

Comments are closed