|

“Hadii sedex boqol oo gunaysan inta Hool lagu xereeyo ay Suldaan Xasan xilkii waanu ka qaadnay anaga ayaana hebel Suldaan u magacawnay yidhaahdaan u socon mayso” Cali Guray

Hargaysa 21.March 2016 (SDN/QJ):- Gudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” ayaa Cadeeyay inaanay Jirin Cid awood u leh inay Xilka ka qaado Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer awal Suldaan Xasan Suldaan C.laahi Suldaan C.raxmaan,Isagoo intaas ku daray in Suldaan Xasan Marka uu Xukuumada iyo Xisbigeeda Taageersan loogu yeedho Suldaan marka uu ka soo hor jeestana la yidhaa cid kale ayaa la magacaabayaa.

cali-gurayGudoomiye ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Cali Guray ayaa Qoraal kooban oo uu ku faafiyey degelka uu ku leeyahay barta xidhiidhka dadweynaha ee Facebook wuxuu ku yidhi sidan :- “Waxa kuligeedba qalad ah in la yidhaa Suldan Xasan wuxu Suldaan yahay marka uu Kulmiye taageersan yahay oo keliya hadii kale maaha ee cid baa iyadu qof kale soo magacaabaysa oo suldaan ka dhigaysa? Hadii sedex boqol oo gunaysan inta Hool lagu xereeyo ay Suldaan Xasan xilkii waanu ka qaadnay anaga ayaana hebel Suldaan u magacawnay yidhaahdaan u socon mayso? xagey ka keeneen awoodaa? Yayse yihiin iyagu oo yay metelaan?

Sheekadan cidda wada waa la wada ogyahay ee Suldaanka aanu xilka ka qaadi karin ha iska daayo oo ha samaysto Suldaanka Musharaxa Kulmiye. Taas ayuu haduu wax ka dheefayo isagu iskii u samaysan karaaye.

Comments are closed