|

“Hadii Faysal iyo Jamaal Is ogolyihiin, Anna waanu is ogolnahay Labadaba ee ha baqanina” Cali Guray

Hargaysa 21.April 2016 (SDN/QJ):- Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey)ayaa ka dareen celiyay hadalkii Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku sheegay inaanu khilaaf ka jirin Xisbiga oo ay Is ogolyihiin Musharax Jamaal Cali Xuseen.
cali gurayFaysal Cali Waraabe ayaa Sheegay in aanu wax khilaaf ahi ka dhaxeyn isaga iyo Jamaal Cali Xuseen, Balse Mujaahid Cali Gurey ayaa soo dhaweeyay inay heshiis noqdaan oo aanu wax khilaaf ahi ka dhaxeyn Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen.
Qoraal Mujaahid Cali Gurey ku baahiyay Barta ay bulshadu kuwada xidhiidho ee Facebook oo uu kaga hadlayo Khilaafka Faysal iyo Jamaal ayuu ku sheegay inuu taageerayo qofka laga gardaranyahay ee sharciga xisbiga baalmarsan.
Waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:-
“Hadii Faysal iyo Jamaal is ogol yihin anigana labadaba waanu is ogol nahaye ha ka baqanina. Hadii aanay is ogolayn waxan u kala raacayaa sida ay u kala gar leeyihiin. Ka laga gardaran yahay ee dulman baan u hiilin ka gardaran ee wax dulmayana waan ka hiilin waana sidii NNKH eh rasuul keenu ina faray(U HIILI WALAALKAA HADII LAGA GARDARAN YAHAY IYO HADUU GARDARAN YAHAYBA). Danta UCIDna waxay ku jirtaa midnimada UCID oo iyaduna ku jirta in danta Xisbiga laga wada horaysiiyo danaha gaarka ah. Taas shakhsiga mar walba ogolaa hadana ogoli aniga yahay”
Mujaahid Cali Gurey ayaa hore Faysal Cali Waraabe ugu eedeeyay inuu baabiinayo Xisbigaasi oo uu taageersanyahay Xisbiga Kulmiye balse Faysal Cali Waraabe ayaa arinkaasi ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Comments are closed