|

“Hadii Beryahan Dambe Suuqa La Mar Marinaayey Ninkii Soo Baxa Ayuumbaan Ku Xigayaa, Waxba Ka Ma Jiraan Oo Sidii La Sheegay Ayey Murashaxiinta Qaranku Xor Ugu Yihiin In La Tartamo “ Wasiir Maxamed Jaamac Abgaal

abgaalHargaysa 14.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Boostadda iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa sheegasho aan jirin ku tilmaamay Xildhibaan Cabdiqaadir Indho Indho oo hore u shaaciyey in uu Murashax kasta oo Jagadda Madaxweynaha Xisbiga Kullmiye u istaaga uu isagu kaligii ku xigeen u yahay, waxaanu tilmaamay inay u furan nin kasta oo hunguri kaga jiro jagadda Murashaxnimadda Ku Xigeenka ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Shirka golaha dhex.

Maxamed Jaamac Abgaal,Wuxuu sheegay in kasta oo uu ka xun yahay inay Beelaha Dhexe isku koobaan Jagadda Murashaxa Madaxweynaha ee Axsaabta Qaranka, in aanay Murashax ku xigeenku deegaanadda Awdal iyo Buuhoodle midkoodna kooto ugu xidhneyn ee ay Dumquraadiyad Beelaha darafyada u banaan tahay inay u tartamaana booskaasi, isaga oo Wasiirku daba joogay war dhawaan Xildhibaan Indho Indho in uu Murashax ku xigeen Ruuxi ah yahay uu Shaaciyey.

Wasiirka Boostadda iyo Isgaadhsiinta Caalamiga ah Maxamed Jaamac Abgaal oo arintaasi ka hadlayey waxa uu yidhi “In kasta oo aan maanta ka xumahay Beesha reer Sheekh Isaxaaq inay iyaga uun isuqaataan inay Madaxweynaha leeyihiin oo tartan la gelinin oo ku xigeenka uun reeraha kale (Beelaha Darafyadda Somaliland) ay leeyihiin aniga oo ka xun runtii Xaaladdaas jecelna in Qaranka Somaliland tartankiisa loo sinaado, hadana waxaan raba aniga oo ka xun in jagaddii Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka aanu wali ku rafaneyno doorkana waxaan rabay in aan iftiimiyo sida la sheegay eyey Murashaxiintu qaranka xor ugu yihiin oo galbeed ka ma jiro hadaanu Somaliland oo dhami ka jirin Madaxweyne u xidhani reer Awdal ama reer Buuhoodlena ka ma jiro nin kali ah oo Murashax ku xigeen ah oo u xidhani ma jiro oo hadii beryahan dambe Suuqa la marmarinaayey ninkii soo baxa ayuumbaan ku xigayaa adeer ma jirto oo meeshan waa la dagaalamayaa oo waa la tartamayaa oo waa laysku xig xigayaaye ee dibadda ha loo soo baxo oo ee Madaxweynaha iyo ku Xigeenku Murashaxiinta Somaliland waa tartan xor ah oo waa tartan Xalaal ah, xor oo waa loo tartamayaa”

QJ/SDN; Hargeysa

Comments are closed