“Hadii ay Xisbiga Ucid Waxba ka Hagaagi Waayaan,Waxaanu samayn doonaa Wixii Rag Samayn Jiray” Murashax Jamaal Cali Xuseen DAAWO
Hargaysa 26.Dec 2015 (SDN/QJ):- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Isla maanta Jawaab ka bixiyey hadal Maanta ka soo Yeedhay Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C.qaadir oo Sheegay in Xisbiga Ucid uu Noqday Mid Shakhsi leeyahay isla markaana aanay Waxba u Oolin aama Meeli uga banaanayn Murashax Jamaal.
Murashuxu Waxa uu sheegay in Suldaanka Guud uu ka mid ahaa Ergadii dhanka Gudoomiye Faysal Cali Waraabe matalaysay Isla markaana aanu ka filayn hadalkan.