‘’Hadii aan ku soo laabano xafiiska doorashooyinka Janury, 2014 waxaan balanqaadaynaa inaan dib u furno axsaabtii aanuna horey u ambaqaadno nidaamkii Dimqoraadiyada’’ Madaxweyne Faroole {DHAGAYSO}
Garowe 20.October 2013 (SDN)-Magaalada Garowe waxa kulan ku yeeshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Farole iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Ambassador Nicholas Kay kaasi oo booqasho ku tagay magaalada.
Ka dib kulan ay ku yeesheen labada dhinac Madaxtoyada Garowe ayna goob joog ka ahaayen xubno ka socday Puntland iyo Qaramada Midoobay ayay si wada jir ah saxaafada ula hadleen.
Madaxweyne Farole waxa uu sheegay inay ka wada hadleen amaanka iyo doorashooyinka soo socda Puntland horaanta 2014 maadaama habkii hore ee axsaabta la joojiyay dibna loogu noqday nidaamki beelaha ee tan iyo 1998 lagu soo dhaqmayay.
‘’Hadii aan ku soo laabano xafiiska doorashooyinka Janury, 2014 waxaan balanqaadaynaa inaan dib u furno axsaabtii aanuna horey u ambaqaadno nidaamkii Dimqoraadiyada’’ ayuu yiri Farole.
Odayaasha dhaqanka ayuu fariin u jeedshay Farole taasi oo uu kaga codsaday inay Barlamanka u soo xulaan raf waafaqsan shuruuda dastuurku qorayo, isagoona xusay ka dib Barlamanka cusub guddi isku dhafan oo dhamaan deeganada ka socdaan xubnihiisu.
Amaanka doorashooyinka iyo musharaxiinta ayuu balanqaaday madaxweyne Farole, isagoona raacshay in dadka Puntland ay u bisil yihiin xalinta khilaafkooda.
Ugu danbeyntii ayaa uu ka gaabsaday Madaxweyne Farole inuu ka hadlo xariirka DF Somalia iyo Puntland oo aan wanaagsaneyn waayadan, isagoona yiri ‘’ Wixii Somalia ku saabsan xiligeeda ayaanu ka wada hadlaynaa meelo ayaan kala joogna sidaaseyna ahaaneysaa’’.
Dhankiisa Nicholas Kay waxa uu muujiyay farxadiisa ku aadan imaatinka Puntland, waxana uu wadahadalka ku tilmaamay mid miro dhal ah,
‘’Markasta aan imaado Farole waxaan ka bartaa waxyaabo badan oo ku saabsan Somalia iyo Puntland” ayuu yiri Kay oo raacshay in Qaramada Midoobay daneyneyso la socoshada doorashada Puntland maadaama ay amaanka iyo dib u heshiisiinta Somalia guud ahaan ay balanqaaday.
‘’Musharaxiintu waa inay noqdaan kuwo waafaqsan sida dastuurka Puntland ku xusan, saxaafadana waa inay tahay mid aan la caburin iyadoona musharax kasta uu ka hadli karo’’ Ayuu yiri Kay.
Waa booqashadii labaad ee ergayga Qarmada Midoobay uu ku yimaado Garowe tan iyo markii uu shaqada la wareegay June, 2013 isagoo badalay Ambassador Mahiga.
Halkan Guji si aad Mobilkaaga Uga Dhagaysato Hadalkii M.Weyne Faroole iyo Ambasador Kay
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Garowef20o.mp3″]
Garowe SDN.
Qurbejoog.com